​Somaliland: Gudoomiyaha guurtida oo ka hadlay Ictiraafka

Image

HARGAYSA-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay ictiraaf la’aanta haysata Somaliland, wuxuuna tilmaamay inuu gaabis badani jiro maadama muddo  rubuc qarni ku dhaw wali la sugayo.

Saleebaan oo hadal ka jeediyay fadhi  uu golihiisu yeeshay, ayaa  sheegay in caalamku ka dhego adaygayo inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax banaan, isagoo magac-dhabay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo uu xusay inay arrintaas diidan yihiin.

“Dawlado waaweyn ayaa inaga soo horjeeda sidii hore, khusuusan Maraykanka iyo Ingiriiskaa inoogu dhego adag, afka waxba ka dhawri maayo, way inagu dhego adagyihiin. Bal guddidaana aan la shaqayno, xuuumadda iyo ciddii ay diraysaba diyaar inaan u noqono waa lagama maarmaan,”Ayuu yiri Guddoomiye Saleebaan Maxamuud.

Gudoomiyaha Guurtida Somaliland ayaa soo jeediyey in garab la siiyo guddiga Ictiraaf  raadinta ee dhawaan madaxweyne Siilaanyo magacaabay, isagoo hoosta ka xariiqay inuu rajo ka qabo shaqada ay qaban doonaan.

Somaliland waxa ay sanadkii 1991-kii shaacisay inay Somalia inteeda kale ka go’day, ilaa iyo  haatanna wali ma jirto dawlad si rasmi ah u aqoonsatay, waxase xusid mudan inay dhisatay nidaam dawli ah oo nabadgelyo iyo horumar badan u horseeday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM