​Somaliland: Hakinta diiwaangalinta oo la taageeray

Image

HARGAYSA- Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay dib-u-dhigis madaxweynaha maamulkaasi ka timi oo dhawaan lagu sameeyey diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, taas oo sabab looga dhigay abaarta ka jirta deegaanno badan oo Somaliland kamid ah.

Shir jaraa’id oo ay guddigu ku qabteen xaruntooda Hargaysa, ayey ku caddeeyeen inay u hoggaansameen go’aanka madaxweynuhu ku hakiyey diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, iyagoo sidoo kalena dalbaday in wax  ka-beddel lagu sameeyo xeerka doorashooyinka, waxayna sidoo kale codsadeen in la badalo xeerka doorashooyinka maamulkaasi.

Guddigu waxay tilmaameen inay dalbanayaan in qoddobka oranaya lix bilood ka hor xogtaasi diyaar ha ahaato lagu beddelo lix bilood gudahood in xogta lagu diyaariyo, si meesha looga saari habsan iyo dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka.

Taageerada gudddigani muujiyay ayaa kusoo beegmay xilli horay go'aanka Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uga soo horjeestay xisbiga WADANI ee maamulka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM