​Somaliland: Hakinta diiwaangalinta oo la taageeray

Image

HARGAYSA- Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay dib-u-dhigis madaxweynaha maamulkaasi ka timi oo dhawaan lagu sameeyey diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, taas oo sabab looga dhigay abaarta ka jirta deegaanno badan oo Somaliland kamid ah.

Shir jaraa’id oo ay guddigu ku qabteen xaruntooda Hargaysa, ayey ku caddeeyeen inay u hoggaansameen go’aanka madaxweynuhu ku hakiyey diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, iyagoo sidoo kalena dalbaday in wax  ka-beddel lagu sameeyo xeerka doorashooyinka, waxayna sidoo kale codsadeen in la badalo xeerka doorashooyinka maamulkaasi.

Guddigu waxay tilmaameen inay dalbanayaan in qoddobka oranaya lix bilood ka hor xogtaasi diyaar ha ahaato lagu beddelo lix bilood gudahood in xogta lagu diyaariyo, si meesha looga saari habsan iyo dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka.

Taageerada gudddigani muujiyay ayaa kusoo beegmay xilli horay go'aanka Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uga soo horjeestay xisbiga WADANI ee maamulka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM