​Somaliland: Khilaaf ka dhex qarxay madaxda xisbiga Ucid

Image

HARGAYSA- Khilaaf hor leh, ayaa mar kale ka dhex qarxay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe iyo musharaxa madaxweynenimo ee xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, waxana labadan masuul warbaahinta isu mariyeen hadallo mid waliba kan kale ku takoorayo.

Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu horrayn diiday musharraxnimada Jamaal, isagoo tilmaamay inay dhammaatay muddadii sharciga ahayd ee musharraxa ka ahaa Ucid,  wuxuuna sidoo kale raaligelin ka bixiyey eedo uu dhawaan Jamal u jeediyey guddoomiyaha Kulmiye iyo rag kale oo  ganacsato ah.

Dhinaca kale Jamaal Cali Xuseen, ayaa si caro leh uga falceliyey hadalka guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxana uu si cadu sheegay inuu maxkamad la geli doono, isla-markaana aanu ka hari dooni,

“Arrrinta khilaafka xisbiga Ucid waxaanu la tagi doona dhinca sharciga , hadii uu sharcigu noo shaqeyn waayana waxay nagu kalifeysaa wixii rag sameyn jiray in aanu  samayno,markaas Faysaloow adiga iyo kuwa dabada kaa soo riixaya ee Muuse Biixi iyo Maxamed Aw Siciidna waanu iska celin doona , adiguna gudoomiye noo noqo meysid. Faysal Cali Waraabna waxii ragiIska yeeli jiray ayaanu samayn doonna,”Sidaasi waxaa yiri musharax Jamaal Cali Xussen.

Waa markii labaad ee khilaaf aan waxba la isula harin ka dhex qarxo labadan siyaasi, waxana xusid mudan in hadda ka hor musharrixii jagada madaxweyne-ku-xigeen ee xisbigaas Cabdirashiid Xasan Mataan khilaaf dartii uga  dhaqaajiyey Ucid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM