​Somaliland: Mas'uul ka iska casilay xisbiga Wadani

Image

HARGAYSA- Xog-hayihii warfaafinta ee xisbiga waddani Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa shaaciyey inuu  gebi ahaanba iska casilay xubinimadii iyo xilkii uu xisbiga mucaaradka Waddani ka hayey.

Boobe oo saxaafadda la hadlay, ayaa si sarbeeban u cabiray sababta uu xisbigaas iskaga casilay, wuxuuna sheegay inuu saluug dartii go’aankaas u qaatay.

“Isma aan lahayn xisbiga Waddani waxad ugu tegaysaa xarun maran, xafiisyo maran, iyo xilal maran, sidii aan isu lahayn saluug badan baad xukuumadda ugu tegaysaa markii aan wasiirka noqonayey, taasina waa ta saluugga keentay, waayo aragnimada taban ee aan xukuumad iyo xisbiga kala kulmay waxa ugu mudan sida ay hawlgalladoodu u yihiin qosol-ku-jabka iyo hugunka” Ayuu yiri Boobe Yuusuf Ducaale.

Boobe Yuusuf Ducaale ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo hore uga soo noqday wasiirka warfaafinta, waxana muddo kooban kadib xilkaas looga qaaday khilaaf dartii, isagoo  intaas  kadibna ku biiray xisbiga mucaaridka Waddani.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM