​Somaliland: Mas'uul katirsan UCID oo la xiray

Image

HARGEYSA,Somaliland- Ciidamada ammaanka, ayaa xabsiga u taxaabay guddoomiyihii gobolka Saaxil u qaabilsanaa xisbiga UCID Marwo Rooda Axmed­ Yaasiin iyo laba xubnood oo kale, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey xoghayaha warfaafinta ee xisbgaasi.

Marwo Rooda, ayaa safar ku ahayd caasimadda Hargeysa, iyadoo kasoo socdaashay magaalada Berbera, waxaase la ogayn halka lagu xiray sida uu xaqiijiyay xoghaye Yuusuf Keyse.

Marwo Rooda ayaa hormood u ahayd olole dad badan oo reer Berbera ahi kaga soo horjeedaan wareejinta dekedda Berbera ee shirkadda DPWorld, iyadoo warbaahinta si joogto ah u marinaysay dhaleecayn ku aadan xukuumadda Somaliland.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland oo ku aadan xarigga mas'uulkaasi oo kuu biirtay dad horay loogu xiray arrinta la xiriirta dekedda Berbera.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM