​Somaliland: Mas'uul katirsan UCID oo la xiray

Image

HARGEYSA,Somaliland- Ciidamada ammaanka, ayaa xabsiga u taxaabay guddoomiyihii gobolka Saaxil u qaabilsanaa xisbiga UCID Marwo Rooda Axmed­ Yaasiin iyo laba xubnood oo kale, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey xoghayaha warfaafinta ee xisbgaasi.

Marwo Rooda, ayaa safar ku ahayd caasimadda Hargeysa, iyadoo kasoo socdaashay magaalada Berbera, waxaase la ogayn halka lagu xiray sida uu xaqiijiyay xoghaye Yuusuf Keyse.

Marwo Rooda ayaa hormood u ahayd olole dad badan oo reer Berbera ahi kaga soo horjeedaan wareejinta dekedda Berbera ee shirkadda DPWorld, iyadoo warbaahinta si joogto ah u marinaysay dhaleecayn ku aadan xukuumadda Somaliland.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland oo ku aadan xarigga mas'uulkaasi oo kuu biirtay dad horay loogu xiray arrinta la xiriirta dekedda Berbera.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM