​Somaliland: Muran ka taagan deked mac-mal ah

Image

BERBERA- Khilaaf gaadhay in gacanta la iskula tago, ayaa ka taagan deegaanka Ceel-garde oo qiyaastii 35KM dhinaca Bari kaga beegan magaalada Berbera, halkaas oo  laga hirgelinayey deked macmal ah. 

Wararka ayaa sheegaya in saaka aroortii hore dablay hubaysan weerar qorshaysan  ku qaadeen goobta dekedda laga hirgelinayey, iyagoo khasaare maaliyadeed gaadhsiiyey qalab cagafyo u badnaa oo qodista dekeddaas ku hawllanaa. 

Dablayda weerarkaas qaadday oo aan wali la aqoonsan, balse waxaa loo badinayaa inay kasoo jeedaan midka mid ah beelaha gobolka Saaxil, kuwaas oo kasoo horjeeda dhismaha dekedda deegaanka Ceel-garde. Weerarka kadib  dablayda falkaasi gaysatay ayaa goobta  iskaga baxday. 

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ciidamo ammaanka suga halkaas loo diray, iyadoo gudoomiyaha gobolkaas  Jaamac Yuusuf oo warbaahinta la hadlay meesha ka saaray inuu iska hor imaadkaasi dhaliyey wax khasaare ah. 

Dekedda lagu muransan yahay ee la doonayo in laga hirgeliyo Ceel-garde ayaa waxaa kasoo jeeda badi dadka degan gobolka Saaxil iyadoo aan la ogayn sababta keentay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM