Somaliland oo eedaysay Puntland

Image

HARGAYSA- MaamulkaSomaliland, ayaa  Puntland ugu ku eedayay inuu soo faro galiyay deegaano kamid ah xuduudda ay sheegato, iyagoo tilmaamay in ciidamada Puntland kusoo xad gudbeen deegaanka Buuro-wadal ee gobolka Sool.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo arrintan ka hadlay, ayaa u digay Puntland, isagoo sheegay in maamulka Puntland  hayso deegaannada Bariga Somaliland.

“Xukuumadda Somaliland waxay ka digaysaa farogelinta qaawan ee maamul-goboleedka Puntland ka wado xuduudaha Bbari ee Somaliland, iyadoo Puntland bilowday deegaamayn ay ka samaynayso deegaanka Buuro-wadal oo katirsan gobolka Sool. Somaliland faraha kama laabanayso ilaalinta xuduudaheeda, waxa ayna Puntand ugu baaqaysaa inay ciidamadeeda iyo dadka rayidka ah ee halkaas lagu soo daldalayoba kala baxaan,”Ayuu yiri wasiir Caddaani.

Wasiirku ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Puntland looga baahan yahay inay nabadgelyada il gaar ah ku eegaan, waxana uu intaas ku daray   in wixii colaad ah ee halkaas ka dhalata masuuliyadeeda qaadi maamulka Puntland.

Ilaa hadda majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Puntland oo kusaabsan arrinta Somaliland ku eedaysay.

Xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, ayaa inta badan waxa ka taagan muran badan, waxana labada dhinac mid waliba kan kale ku eedeeyaa inuu haysto dhul aanu xaq ulahayn, taas oo keenta in gacan ka hadal yimaaddo mar-marka qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM