Somaliland oo diidey isbaheysiga looga dhawaaqay Sacuudiga

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa maanta shaaciyey in uusan aqoonsaneyn isbaheysiga Carabta iyo Afrika ee Isniintii looga dhawaaqay Riyadh, caasimadda Sacuudiga.

Isbaheysiga oo yagleelidiisu Sacuudigu ka dambeeyay ayaa waxaa qayb ka ah sideed dal oo ay kamid tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wadamada ku midoobay golahaan ayaa iska kaashanaya ammaanka iyo xasiloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadan, maadaama dhamaantooda ay ku teedsan yihiin.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka Hargeysa oo nuqul kamid ah uu arkay GO, ayaa sababta ay u diideen golahaas ay tahay in aanan laga talagelin.

War-saxaafadeedka oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay soo dhaweyneyso iskaashi ay la yeelato wadamada ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii, balse Beesha Caalamka waxay u aqoonsan tahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho.

Wada-hadaladda Muqdisho iyo Hargeysa ayaa hakad ku jiro shantii sano ee lasoo dhaafay, waxaana madaxda labada dhinac ku fashilmeen in ay miiska wada-xaajoodka isugu yimaadaan.

Hoos ka akhriso qoraalka Somaliland

GAROWE ONLNE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM