Somaliland oo diidey isbaheysiga looga dhawaaqay Sacuudiga

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa maanta shaaciyey in uusan aqoonsaneyn isbaheysiga Carabta iyo Afrika ee Isniintii looga dhawaaqay Riyadh, caasimadda Sacuudiga.

Isbaheysiga oo yagleelidiisu Sacuudigu ka dambeeyay ayaa waxaa qayb ka ah sideed dal oo ay kamid tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wadamada ku midoobay golahaan ayaa iska kaashanaya ammaanka iyo xasiloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadan, maadaama dhamaantooda ay ku teedsan yihiin.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka Hargeysa oo nuqul kamid ah uu arkay GO, ayaa sababta ay u diideen golahaas ay tahay in aanan laga talagelin.

War-saxaafadeedka oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay soo dhaweyneyso iskaashi ay la yeelato wadamada ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii, balse Beesha Caalamka waxay u aqoonsan tahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho.

Wada-hadaladda Muqdisho iyo Hargeysa ayaa hakad ku jiro shantii sano ee lasoo dhaafay, waxaana madaxda labada dhinac ku fashilmeen in ay miiska wada-xaajoodka isugu yimaadaan.

Hoos ka akhriso qoraalka Somaliland

GAROWE ONLNE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM