Soomaaliya oo qayb ka ah isbaheysi looga dhawaaqay Sacuudiga

Image
Image

RIYADH, Saudi Arabia – Dowladda Soomaaliya ayaa qayb ka ah isbaheysi cusub oo maanta oo Isniin ah looga dhawaaqay Riyadh, caasimadda Sacuudiga.

Ku dhawaaqista ayaa waxay timid markii ay kulan yeesheen wasiiradda arrimaha dibadda wadamadda ku midoobay golahaan.

Golahaan oo ka kooban sideed dal oo ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadan ayaa lagu nuux-nuux saday in uusan quseyn arrimo ciidan.

"Golaha Dowladaha Carabta iyo Afrika ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadan" ayaa noqon doona magaca rasmiga ah ee kutladda.

Faysal bin Faarax Al Sacuudi, wasiirka arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya, ayaa daadihinayey munaasabada lagu saxiixay Axdiga golaha.

Dowladaha Axdiga qalinka ku duugay ayaa kala ah; Saudi Arabia, Sudan, Djibouti, Somalia, Eritrea, Egypt, Yemen, iyo Jordan.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa xukuumadda Muqdisho ku metalayay shirka.

Al Sacuudi ayaa beeniyey in isbaheysigaan loo sameeyay xaaladda milatari oo waqti xaadirkaan ka jirta gobolka gaar ahaan Bariga Dhexe.

"Iima muuqato in yag-leelida awood cusub ay la xiriirto dhismaha [golaha]," ayuu yiri markii su'aal arrintaas ku aadan la hordhigay.

Gabagabadii, wasiirka ayaa cadeeyay in dalalka ay leeyihiin awooda difaaca iyo iskaashi laba geesood ah, tanina ay horumarin karto wadashaqeyntooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM