Somaliland oo ka jawaabtey go'aankii xukuumada Somalia

Image

HARGEYSA-  Somaliland ayaa sheegtay in go’aannadii ka soo baxay shirkii madasha lagu go’aamiyay qaabka doorashada Soomaaliya ee 2016 aanay khuseyn.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in Somaliland ay mar hore ka go’day Soomaaliya, islamarkaana cid ka wakiil ah aanay uga qeybgalin shirkaasi.

Wareysi uu siiyey VOA, ayuu Warancade ku sheegay in wax lagu qoslo ay tahay in madaxda Somaali-da ay weli sheeganayaan “Dal ka go’ay 25 sano ka hor”.

Qoraal kasoo baxey xukuumada federaalka Somalia ayaa lagu shegeey in Somaliland qayb ka tahay nidaamka xulashada Barlamanka Somalia oo la filayo in dalka ka dhaco sanadkaan dabayaqadisa.

Magaalada Muqdishu ayaa wxaa ku sugan dad kasoo jeeda gobolada Somaliland kuwaoo ka tirsan barlamanka, xukuumada iyo hay'adaha kale ee dowlaiga ah.

Somaliland ayaa dalka Somali ka go'adey igabi ahaanba iyada oo aan weli helin aqoonsi caalami ah.

DHAGEYSO: 

VOA+GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM