Somaliland oo ka Walaacsan aqoonsiga SSC-Khaatumo.

Image

Hargeysa, Soomaaliya - Xukuumada Somaliland ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku muujisay sida ay uga xuntahay aqoonsiga ay dowlada federaalku siisay maamulka SSC-Khaatumo.

"Waanu ka xumahay in dowlada federaalku aqoonsato maleeshiyaadka Qabiil ee Laascaanood ku sugan waana arin saamaynaysa degenaanshiyaha geeska ".

Qoraalka Somaliland ayaa caalamka loogu baaqay in la ixtiraamaan xuduudaha 1960 balse Somaliland oo muddo sanooyin ah qeylinaysay ayaanu caalamku marna dhag jalaq usiin sheegashadooda in ay dal noqdaan.

Dowlada Dunida ayaa Somaliya u aqoonsan jamhuuriyad federaal ah isla markaana Dastuurka qabyada ah ayaa u fasaxaya gobalada in ay toos u hoos tagaan dowlada dhexe.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa aqoonsatay SSC-Khaatumo iyada oo caalamka ka codsatay in lagala shaqeeyo gar-gaarka iyo Horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM