Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Image

Hargeysa, Agoosto 2, 2025 – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay maamulka cusub ee Waqooyi Bari ee dhawaan lagaga dhawaaqay Laascaanood, iyadoo ku tilmaantay mid sharci darro ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Golaha Wasiirrada Somaliland oo shir aan caadi ahayn yeeshay maanta ayaa si cad u sheegay in gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer ay yihiin kuwo muhiim u ah jiritaanka Somaliland, isla markaana aysan aqbalayn wax maamul cusub ah oo laga hirgeliyo dhulkaas. Go’aanno adag ayaa laga soo saaray kulankaas oo diiradda lagu saaray xaaladda gobolka.

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay xuduudo cad oo ay la timid xorriyadeedii 1960-kii, ka hor intii aanay si gooni ah ugu dhawaaqin madaxbannaanideeda 30 sano ka hor. Wuxuu xusay in shacabka gobolladaasi ay si buuxda uga qayb galeen aas-aaska Somaliland.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya, oo lagu sheegay inay qorshahan ka dambeysay si ay u saameyso doorashooyinka federaalka, iyadoo la adeegsanayo hub iyo deeqo beesha caalamku bixisay si loogu huriyo colaad gobollada Sool iyo Sanaag.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay u furan tahay wadahadal nabadeed oo ay la yeelato bulshada deggan Sool-Bari si loo soo afjaro colaadaha ka taagan Laascaanood. Wasiirku wuxuu sheegay in dadaallo badan lagu guuleystay sidii loo nabadeyn lahaa gobolka Sanaag.

Ugu dambeyntii, goluhu wuxuu ku adkaystay in Somaliland diyaar u tahay inay iska difaacdo cid kasta oo isku dayda kala qaybin, wuxuuna maamulka cusub ku tilmaamay mid aan metelin shacabka deegaanka. Dowladda Puntland ayaa hore u cambaareysay maamulka cusub, halka dowladda federaalka Soomaaliya ay si cad u taageertay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM