Somaliland oo sheegtay in tacdi loo geystay meydka Marxuum Cabdinaasir

Image
Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa ayaa ka warbixiyay Baaritaanka lagu saeeyay meydka marxuum Cabdinaasir.

Hargeysa, Soomaaliya - Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hargeysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, ayaa shaaca ka qaaday natiijada baaritaanka lagu sameeyay maydka Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable.

Dr. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in marxuumka la jirdilay ka hor inta aan la dilin oo xarig lagu ceejin, sida natiijada baaritaanka ay muujisay.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dabka laga jartay Talaagada meydkiisa la dhigay taasi oo keentay in muuqaalkiisa uu is bedelo.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa isna ka hadlay natiijada baaritaanka, wuxuuna yiri: “Maydkii oo tallaagadii la galiyay Dabkii laga jaray, ma dhaqanbaa, ma diin islaam baa, ma dadnimadaa, xaggee waxaas oo kale lagu arkay?”

Marxuumka ayaa maanta lagula tukaday salaadii janaasada, iyadoo ay ka soo qayb galeen madaxda maamulka Somaliland, siyaasiyiin iyo qaar ka mida bulshada deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM