​Somaliland oo sheegtay inay sii wadayso wada-xajoodka Somalia

Image

HARGAYSA- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa maanta 08 Maarso sheegay inay tayaynayaan islamarkaana ka mira dhalin doonaa wadahadalada kala dhaxeeya Somalia.

Sacad oo warbixin ka horjeedinyay golaha Guurtida Somaliland, ayaa xusay in ku dhawaan 9 jeer labada dhinac kulmeen hase ahaatee ay jiraan waxyaabo  lagu hishiiyay oo aan la dhaqan galin iyo kuwa la isku fahmi waayay, wuxuuna xusay in xukuumadda Hargaysa ka go'antahay qaabkii wadahadallada looga mira-dhalin lahaa.

Odaayaasha Guurtida ayaa wasiirka sidoo kale wax ka weydiiyay arrimaha Ictiraaf raadinta Somaliland iyo halka ay marayaan, wuxuu Sacad Cali Shire tilmaamay inay qorshahaasi wadayaan islamarkaana haatan diiradda saarayaan waddamada ku jira urur goboleedka IGAD, kadib ku xijin doonaan dalalka kale ee gobolka.

Arrintan, ayaa kusoo beegmaysa xilli uu dhawr jeer oo hore fashilmay shirar ay isugu yimaadeen Ergooyin kala matalaya labada dhinac, waxaana hareeyay khilaafyo kala duwan oo ay ugu dambaysay mid ka dhashay xubnaha dowladda Somalia shirka uga qayb galaya.

Somaliland ayaa sheegata inay ka go'day Somalia inteeda kale, waxaana muddo dheer raadinaysay ictiraaf caalami ah oo u ogolaanay inay noqoto waddan ka go'ay Somalia inteeda kale, hase ahaatee weli uma hirgalin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM