Somaliland oo u mahadcelisay Puntland

Image

HARGAYSA, Somaliland-  Maamulka Somaliland ayaa mahadcelin u jeedayay dhigooda Puntland, taasoo ku saabsan sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen dadka abaaruhu saameeyen ee usoo hayaamay Bariga fog.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xashi Cabdi oo kamid ah wafdi ka socda xukuumada Somaliland oo gobalka Sool booqasho ku tagay ayaa arrintaas ka hadlay xilli uu ka waramayay abaaraha ka jira gobolka.

Wasiirka Xaashid, ayaa xusay inay mahad gaar ah u celinayaa sida wanaagsan ee Puntland usoo dhaweysay dadka kasoo jeeda maamulkaas oo kamid ahaa qoysas badan oo kasoo hayaamay abaaraha ka jira dalka.

Wuxuu sheegay in Coolada jirta ay kasii weyn tahay xaalada abaarta ee iminka ka taagan gobolka.

Wafdigan ayaa u tagay gobalka Sool sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen in xal loo helo dagaal beeleed soo noq noqday oo ka dhacayey muddooyinkii danbe koonfurta Sool.

Wasiirka ayaa xilliga uu hadalkan jeedinayay la kulmay qaar kamid ah waxgaradka Sool oo ay kala hadleen sidii wanaaga iyo nabadda looga saqayn lahaa maadama muddooyinkii dambe halkaas ka jirta isku dhac u dhaxeeyo beel Sool wada-daga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM