Somaliland oo u mahadcelisay Puntland

Image

HARGAYSA, Somaliland-  Maamulka Somaliland ayaa mahadcelin u jeedayay dhigooda Puntland, taasoo ku saabsan sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen dadka abaaruhu saameeyen ee usoo hayaamay Bariga fog.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xashi Cabdi oo kamid ah wafdi ka socda xukuumada Somaliland oo gobalka Sool booqasho ku tagay ayaa arrintaas ka hadlay xilli uu ka waramayay abaaraha ka jira gobolka.

Wasiirka Xaashid, ayaa xusay inay mahad gaar ah u celinayaa sida wanaagsan ee Puntland usoo dhaweysay dadka kasoo jeeda maamulkaas oo kamid ahaa qoysas badan oo kasoo hayaamay abaaraha ka jira dalka.

Wuxuu sheegay in Coolada jirta ay kasii weyn tahay xaalada abaarta ee iminka ka taagan gobolka.

Wafdigan ayaa u tagay gobalka Sool sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen in xal loo helo dagaal beeleed soo noq noqday oo ka dhacayey muddooyinkii danbe koonfurta Sool.

Wasiirka ayaa xilliga uu hadalkan jeedinayay la kulmay qaar kamid ah waxgaradka Sool oo ay kala hadleen sidii wanaaga iyo nabadda looga saqayn lahaa maadama muddooyinkii dambe halkaas ka jirta isku dhac u dhaxeeyo beel Sool wada-daga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM