Somaliland oo warmurtiyeed ka soo saartay wada-hadallada Soomaaliya-Somaliland

Image
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa soo saartay Warmurtiyeed ku aadan wadahadallada.

HARGEYSA, Soomaaliya - Xukuumadda Somaliland ayaa war-murtiyeed ka soo saartay kulankii maanta magaalada Jabuuti ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Warmurtiyeedka ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa lagu yiri:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa waxa lagu qaabiley Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, iyadoo si toos ah loo gudo-galay shirkii loo balansaa ee madaxweyneyaasha Dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Soomaaliya.”

“Kulankan saddex geesoodka ah ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-hadalladii hakadku ku yimi ee u dhaxeeyey labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadaladaas oo soo bilaabmay sannadkii 2012-kii, dibna u bilaabmay maanta, kulamadiisuna ay weli socdaan.” ayaa la raaciyay warmurtiyeedka.

Shalay ayuu Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud soo gaaray dalka Jabuuti si uu uga qeyb galo wadahadalada labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii uu talada dalka qabtay muhiimad gaar ah siiyay hagaajinta xiriirka kala dhaxeeyo Somaliland, wuxuuna magacaabay ergay gaar ah oo wada-hadallada u qaabilsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM