Somaliland oo Xabsi ku xukuntay Wariye Coldoon

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maxkamad ku taalla magaalada Hargaysa ayaa maanta la horkeenay kiiska loo haysto Wariye Cabdimaalik Muse Coldoon oo tan iyo bishii Febraayo ku xiran xarunta maamulkaas, kadib booqasho uu ku tagay Muqdishu.

Dacwaddan oo qaadisteedu dhowr jeer oo hore dib loo dhigay, ayaa wararku sheegayaan in lasoo afmeeray kadib markii Maxkamaddu go’aamisay in Labo Sano oo xarig ah dusha loo saaro Coldoon.

Maxkamadda ayaa xukunkaas u xuskatay tallaabooyin kala duwan oo ay kamid tahay inuu Wariyahan maleegayay arrimo liddi ku ah jiritaanka Somaliland.

Balse, qareenka u doodayay Coldoon ayaa gaashaanka ku dhuftay, tallaabadaas isagoo beeniyay inuu Samafalahan galay wax dambi ah.

Waxay sheegeen inay ka qaadan doonaan racfaan ku aaday kiiska dusha laga saaray.

Arrintan ayaa timid kadib markii Somaliland ka dhago adaygatay  dalabyo kala duwan oo uga imaanayay ururrada Saxaafadda iyo kuwa bulshada taasoo laga dalbanayay inay siiso xoorriyadiisa wariye Coldoon.

Somaliland ayaa noqotay sannadkan cusub maamulka ugu xirista Badan wariyaasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM