Somaliland oo xukun ku ridday haweeney la sheegay inay Ilaahey 'cayday'.

Image
Ciidamada Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay gabdha la xukumay 4 maalin ka hor.

Hargeysa, Soomaaliya - Maxkamadda degmada Hargaysa ee Somaliland ayaa xukun saddex sano oo xarig ah ku ridday haweeney la sheegay in Allaha weyn ee khaaliqa ah ay "cayday".

Sidoo kale laba haween ah oo kale ayaa lagu riday xukun mid hal sano iyo lix bilood oo xarig ah kuwaas oo lagu helay falal dhaqan xumo ah.

Haweenkaan ayaa dhawaan waxaa gacanta ku soo dhigay booliska Somaliland, kadib markii ay Hawlgalo aysameeyen.

Ciidamada Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay gabdha la xukumay 4 maalin ka hor Marki ay heleen muuqal ku faafay internet.

Dhanka kale Ciidanka booliska Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliland inay ka fogaadan dhaqamada noocana er meel kaga dhaca ku ah Diinteena suuban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM