Somaliland oo xukun qisaas ah ku fulisay labo qof isku qoys ah

Image

HARGEYSA- Waxa maanta xukun qisaas ah lagu fuliyey saddex qof oo laba kamid ahi kasoo jeedaan qoys maxkamadi ku heshay inay laba sano kahor god aqalkooda ku dhexyaalla ku aaseen haweenay ay madaxa ka jareen.

Qisaastan oo uu warbaahinta u xaqiijiyey xoghayaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo ahaayeen Ruqiya Siciid Ayaalne oo ahayd haweenayda godka lagu riday ayaa saaka subaxii hore ka dhacay agagaarka jeelka Mandhera,

Dilkaan ayaa lagu fuliyey hooyadii qoyska dilkaas lagu helay oo lagu magacabi jirey Muna Maxamed Cabdilaahi iyo wiilkii caruurteeda ugu weynaa oo lagu magacaabi jirey Maxamed.

Sidoo kale waxa la qisaasay nin saddexaad oo isagana lagu helay inuu dilay marxuum kale. Waa qisaastii labaad ee xukuumadda Somaliland fuliso muddo toddobaadkaan gudihiisa ah.

Midowga Yurub ayaa qoraal ay soo saaren dhowaan walaac ka muujiyey xukumada qisaasta ah oo laga fuliyo  Somaliland iyo Somalia.

Qisaasta ayaa ah xukun Islaami ah oo lagu fuliyo qofkii dil u gaysta qof kale iyadoo ay go'aankaas leeyihiin qoyska marxuumka dhibka soo gaarey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM