Somaliland: Shamax "Wax muddo kordhin ah ma jirto"

Image

HARGEYSA- Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka hadashay hadal-hayn ku aadan muddo-kordhin labaad oo loo sameeyo madaxda xilka haysa ee Axmed Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa, taasoo bulshadu aad u hadal haysay.

Afhayeenka madaxtooyada Md Cabdraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye(Shamax) oo warbaahinta la hadlay, ayaa meesha ka saaray in madaxtoyadu ku hawllan tahay qorshe mar labaad muddo-xileedda loogu kordhiyo, “Madaxtooyada wax muddo-kordhin ah oo laga hadal hayaa ma jirto haba yaraatee, waxana run ah taas ta kasoo horjeedda oo ah caksigeeda, taas oo ah in madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo uu aad ugu dedaalayo in doorashadu wakhtigeedu ku dhacdo,” Ayuu yiri afhayeen Shamax.

Afhayeenku waxa uu si cad u sheegay in madaxtooyadu si mug leh ugu dedaalayso sidii doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigeeda, waxana uu deedafeeyey hadallo dhawaan kasoo baxayey qaar kamid ah xildhibaanada golaha wakiillada oo soo jeedinayey in madaxweynaha muddo-kordhin labaad loo sameeyo.

Somaliland gudaheeda waxa jira warwar ay dadka badankiisu qabaan kaas oo salka ku haya in muddo-kordhin labaad loo sameeyo madaxweyne Siilaanyo, iyadoo xiliga xukuumadiisana ay ka hadhsan tahay muddo ku siman sideed bilood, waxana wali qabyo ah oo aan la dhamaystirin xeerarkii lagu soo dooran lahaa golaha wakiillada oo hore maxkamadda sare u muddaysay in madaxtooyada mar lala soo doorto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM