​Somaliland: Siilaanyo oo dilka ciidamada ka hadlay

Image

HARGAYSA- Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa ka hadlay dilalka saraakiisha ciidamada kala duwan ay u geysanayaan askarta ay xukumaan, taas oo beryahan dambe noqotay caado lagu dhex arkay ciidanka Somaliland. 

Madaxweynaha oo ka qaybgalay munaasabad loo sameeyey sanad-guurada 22-aad ee ciidamada Somaliland taasoo lagu qabtay taliska degmada Oog ee gobolka Sool,  ayaa tilmaamay in cidkasta oo dilka saraakiisha ciidanka ku lug yeelata sharciga la horgeyn doono. 

"Beryahan danbe waxa soo batay dilalka Ciidanka dhexdiisa, gaar ahaan dilka Saraakiisha... Arrintani waa denbi iyo dhaqan fool xun oo aan loo dulqaadan karin, waxaan u cadaynayaa in cid kasta oo geysata dil sharci-darro ah in cadaaladda la horkeeni doono, cawaaqibka ay leedahayna la dhadhansiin doono,” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu caddeeyey inuu dhawaan magacaabi doono guddi  daba-gal ku samaya sababta askartu u dilayaan taliyayaashooda.

Hadalka Siilaanyo ayaa kusoo beegmay xilli muddooyinkii dambe soo badanayeen dilalka saraakiisha ciidamada horjoogayaasha u yihihiin u gaysanayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM