Somaliland: Taliye xilka laga qaaday

Image

HARGAYSA-Taliyihii laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf "Cambaro", ayaa xilkii laga qaaday, waxana beddelkiisa la magacaabay Maxamed Cismaan Caalin oo horraantii 2012-kii xilkan banneeyey.

Inkastoo aan warbaahinta loosoo bandhigin wareegtada taliyahaas xilka lagaga qaaday, haddana wararka laga helayo laanta socdaalka, ayaa sheegaya in wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde uu xilka ka qaadistaas iyo magacaabistaanba sameeyey, iyadoo aan si rasmi ah loo ogayn sababta isbedelka keentay. 

Taliyaha labadalay, ayaa mudooyinkii dambe ku howlanaa taalloobin ay kamid ahayd kasaarista Somalia dadka ajaanibta iyadoo hadda gaba-gabo dhaweyd muddo bil ah oo u qabtay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM