Somaliland: Wariye Cabdi Maalig Coldoon oo xorayadiisa dib u heley

Image

HARGEISA- Wariye Cabdi Maalig Coldoon islamarkaana ah samafale ayaa maanta waxaa laga sii daayey xabsiga dhexe ee magalaada Hargeysa kadib markii cafis uu u fidiyey Madaxweynaha dowlada Somaliland.

Cabdi Maalig oo la hadlay saxaafada markii xabsiga laga sii daayey ayaa u mahadceliyey madaxweyne Silaanyo isaga oo sheegey in khilaafkii u dhexeeyey gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Garaoorihii xakumay laga garan karo in xarigiisu Cadaalad ahaa iyo in kale.

Samafale Coldoon oo hadal gaaban ka yiri aragtidiisa ku saabsaneyd jiritaanka Somaliland ayaa yiri " Ma aha macnaheedu inaan jiritaanka Somaliland kasoo horjeedo hadaan iraahdo dadka Somalilada meel kasta oo ay joogaan waa Walaalo." 

Isaga oo ka hadlaya filirkiisa ayaa dhinaca kale waxa uu yiri " Waxaan kasoo horjeedaa cadowga Somalia." 

Dhinaca kale Wariye Cabdimaalik ayaa sheegey in kasoo bixistiisa xabsiga ku soo beegantey bisha Ramadan sidaas daraadeet uu si deg deg ah u bilaabayo arimuhii samafalka.

Wariyahaan ayaa waxaa lagu xakumey muddo Labo sano ah bishii April, 2017 kadib markii magalaada Muqdishu kula kulmay madaxweyne Farmaajo markii xilka loo doortey.

HALKAAN KA DAAWO WARSAXAFADEEDKA WARIYE COLDOON 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM