​Somaliland: Wariye lagu aasay Hargaysa

Image

HARGAYSA- Gudoomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdullaahi "Cirro"yo xubno katirsan golaha xukuumadda ayaa kasoo qayb galay aas qaran oo magalada Hargaysa loogu sameeyay Wariye Cabdulqaadir Maxamed Ciid "Baay", kaasoo saaka ku geeriyooday xarunta maamulkaasi.

Wariye Baay, oo u dhintay xanuun muddooyinkii dambe hayay, ayaa kamid ahaa wariyashada sida weyn looga yaqaano Caasumadda Hargaysa, waxaana aaskiisa ALLE looga baryay dambi dhaaf iyo inuu janna Fardowsa hoy uga dhigo.

Mas'uuliyiinta dhanka xukuumadda kasocotay ayaa marxuumka ku sifeeyay shakhsi aad u wanaagsan islamarkaana ka mid ah dadka dhinaca qoraalka lagu daydo.

Baay, mihnadiisa saxafinimo kasoo billaabay magalada Hargaysa oo ah halka uu ku dhashay, ayaa kamid ahaa saxafiyiinta qora qaar kamid ah jaraa'idyada kasoo baxa magalada, waloow muddooyinkii dambe xanuunsanaa.

Wuxuu ifka uga tagay 5 carruur ah iyo hooyadooda, waxaana aaskiisa maanta jooga Aabbihiisa oo kamid ah dhaqaatiirta Hargaysa.

Marxuumka oo da'da 50-ka madaxa lasii galayay, ayaa wax tacsi ballaaran u diray dhammaan mas'uuliyiinta goobta isugu tagta, baxda saxaafadda iyo asxaabtiisii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM