Somaliland: Xisbiyada Ucid iyo Wadani oo muransan

Image

HARGAYSA- Khilaaf adag ayaa ka dhex qarxay hoggaanka sare xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Waddani, waxana xarunta komishanka Doorashooyinka Somaliland soo gaartay warqad dacwad xisbiga waddani ku sheegay in gudoomiyahooda loogu hanjabay toogasho.

Qoraalka uu xisbiga waddani gaarsiiyey komishanka waxay ku sheegeen in gudoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu dil toogasho ah ugu hanjabay Mudane Cirro, iyagoo xusay in arrintaasi ka dhex dhacday xarunta guddiga doorashooyinka Somaliland.

Hay’adaha ammaanka ayay ugu baaqeen inay hadalka gudoomiyaha Ucid wax ka qabtaan.

Faysal Cali Waraabe oo dacwaddaas jawaab ka bixiyey, ayaa faahfaahiyey sababta uu tallaabadaas u qaaday,wuxuuna sheegay “Cirro waa ninkii ku-xigeenkiisii feedhay, wasiirka xiriirka golayaashana markii Awdal olaluhu ka socday waa ninkii ku yiri madaxaan kaa tooganayaa, shalayna meesha waanu fadhiisanay, waxana aan idhi Cirro iyo dadkan daba yaacaya haddaan xeer na kala saaraa iman waan toogan doonaa anigaa idhi, waana hadii aan sharci jirin,”Ayuu yiri Faysal.

Somaliland waxaa ka socota diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, waxana xisbiyada qaar kamid ah ku hawllan yihiin diyaar garow taageerayaashooda ku wacyigelinayaan inay qaataan kaarka codbixinta, waana arrinta xudunta u ah khilaafka haatan xisbiyada qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM