​Somaliland: Xukuumadda oo ka hadashay muranka dekedda

Image

HARGAYSA- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay muranka ka taagan dekedda macmalka ah ee laga hirgelinayo deegaanka Ceel-garde oo qiyaastii 35km dhinaca bariga kaga beegan magaalada Berbera. 

Wasiir-ku-xigeenka dhinaca amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inaan dalka laga hirgelin karin deked aanay xukuumaddu ruqsadeeda bixin, isagoo ka digay in lagu hammiyo qorshayaasha caynkaasi ah. 

“Wax aysan dawladi fasixin oo aanay iyadu dhisayn  deked ma aha, dekedahana dawlad baa maamusha oo ogolaata, iyadaana ciidan geysata halkii ay u aragto in wax laga soo dejin karo, sida meydh, Saylac iyo Berbera oo kale, laakiin haddii reer waliba yidhaahdo deked baan samaynaynaa wax kala soo degto, dalku fawduu gelayaa, cashuurteeniina midoobi mayso,”Ayuu yiri Wasiir Maxamed Muuse. 

Muran dhawaan ka dhashay dekedda, ayuu wasiirku ka hadlay, wuxuuna tilmaamay in arrinkaasi lagu dag dagay, isagoo soo jeediyay in xukuumadda loo daayo howshaasi.

Hadalka wasiirka, ayaa kusoo beegmay xilli aad loogu muransanyahay deked macmal oo laga hirgalin lahaa nawaaxiga Berbera, waxaan taasi keentay gacan ka hadlay markii dambe dowladdu soo dhexgashay islamarkaana goobta muranka ciidamo gaysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM