Soomaaliya: Dagaal ka qarxay duleedka Caasimadda Somaliland

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Dagaal xooggan ayaa ka dhacay Aagga Buurta Gacan Libaax oo 80-km dhinaca Koonfur Bari kaga beegan magaalada Hargeysa, waxa uu dagaalkani u dheaxeeyaa mucaaradka iyo ciidamada dowladda Muuse Biixi.

Dagaalladan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka GO helayo ayaa sheegaya in Malleeshiyada uu hal qof kaga dhintay dagaalka, halka Ciidanka RRU-da labo ka dhaawacmeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga mucaaradka ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Isku-day, aaga lagu dagaalamay kadib dagaallo culus oo ay la galeen ciidamada maamulka Somaliland.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Malleeshiyada oo taabacsan Mucaaradka ay qabsadeen mudo kooban gudoomiyaha gobolka Saaxil iyo saraakiil kamida maamulka degmada Berbera.

Khilaafkan ayaa waxaa sabab u ah xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada, halka Mucaaradku ay ku andacoonayaan in Muuse Biixi uu doonayo inuu khilaafka u beddelo mid u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah.

Muuse Biixi ayaa qaban waayay doorashada sanadkii hore, isagoo kuy darsaday labo sano oo dheeraad ah, taasoo abuurtay xaalada siyaasadeed iyo khilaaf cusub.

Xoogaga mucaaradka ayaa isugu aruursaday Buurta Gacan Libaax si ay u sameystaan Jabhad ciidan oo ay ku hor istaagaan Madaxweyne Muuse Biixi, ka dib muddo bilooyin ah oo ay samaynaayeen mudaaharaad salmi ah.

Waxgaradku ayaa aaminsan in xiisadaan ay Hargeysa usoo guuri karto, haddii aan si cadaalad ah loo marin dalabka mucaaridka oo ka cabanaya cadaalad daro iyo xaqiraad siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM