Soomaaliya: Jabhad degaanno kala wareegtay Ciidanka Somaliland

Image

OODWEYNE, Soomaaliya - Xoogaga Mucaaradka ee Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo lixaad leh ka sameeyay deegaano ka tirsan maamulkaas.

Jabhadaan Gacan Libaax ayaa gudaha u galay magaalada Daba-gorayaale oo ka tirsan degmada Oodweyne ee gobolka Togdheer.

Waxayna gacanta ku dhigeen saddex gaari oo laba ka mid ah ay leedahay hay’adda Hello Trust iyo mid uu leeyahay kastamka magaalada.

Sida ay sheegeen Ilo deegaanka ah, Jabahadda mucaaradka ayaa hubka ka furtey askartii Somaliland ee ku sugnayd xarunta kastamka iyo saldhiga booliska ee Daba-gorayaale.

Garabyadan hubaysan ee mucaaradka ah ayaa muddo dheer ka cabanayey saluug siyaasadeed, maamul xumo iyo kali talisnimo uu ku dhaqmayey maamulka Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi oo isku dayaya inuu wax ka qabto xiisadaha isa soo taraya ayaa xisbiyada mucaaradka ku casuumay shir wadatashi ah oo ku saabsan doorashooyinka.

Shirkan oo shalay ku baaqay madaxweynaha ayaa ujeedkiisu yahay sidii wada-hadal loogu abuuri lahaa, isla markaana loo heli lahaa mawqif midaysan oo lagu yarayn karo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Somaliland.

Talaabooyinkan ay dhawaan qaadeen ciidamada jabhaddu waxay muujinayaan caqabadaha gunta dheer ee ay dowladdu kala kulantay ilaalinta xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland.

Haddaba, Waxa la eegi doonaa sida uu Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaridku ay u maareeyaan shiqaaqadan taagan, isla markaana ay uga hawl-galaan sidii xal nabadeed loo gaari lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM