Soomaaliya: Muxuu ahaa Balan-qaadkii lagu doortay Faratoon?

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa maanta ku guuleystay xilka Afhayeenka Golaha Wakiilada Somaliland, kadib doorsho ka dhacday Magaalada Hargeysa oo ay ku tartameen laba musharax oo golaha ka tirsan.

Doorashada Golaha Wakiilada ayaa ku qabsoomtay jawi xamaasad leh, iyadoo mucaaradka ay isku dayeen inay soo saaraan musharaxooda Maxamed Khadar Daahir.

Codeynta ayaa u dhacday qaab gacan-taag ah, waxaana jagada Guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada loo doortay xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Faratoon ayaa doorashada kaga guuleystey musharaxa la tartamaayey ee ah Xil. Maxamed Khadar, isaga oo helay 46 cod, halka Maxamed Khadar uu isna helay 35 cod. Sidaas ayuuna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland ku dhawaaqay natiijada.

Doorashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Somaliland ay ka taagan tahay khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo salka ku haya hannaanka doorashada. Faratoon ayaa balan-qaadey inuu xalin doono colaadda LaasCaanood.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa 11 bishii June ee sanadkan iska casilay xilkiisa, sababo la xiriira dagaalada ka socda magaalada Laascaanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM