Xanuunka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay Togdheer

Image

BURCO, Somaliland- Shacabka gobolka Togdheer oo muddo la daalaa dhacayay abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Somaliland ayaa wararku sheegayaan inuu saameeyay xanuunka Shuban-biyoodka.

Waxaa la xaqiijiyay inuu hal qof u geeriyooday xanuunkaas oo ka jira qaybo kamid ah gobolka.

Dad kale oo aan tiradooda la xaqiijin ay la il-daranyihiin xanuunka.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Maxamud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay inuu cudurkan dillaacay, taasoo uu sheegay inay ka dhalatay abaaraha ka jira waddanka.

Wuxuu xusay inay wadaan dadaalo dadkaas lagu bad-baadinayo isagoo sheegay in dadka xanuunsan lageyay goobaha caafimaadka.

Dhinaca kale Mudane Ramaax ayaa kulan la qaatay ganacsatada deegaanka isagoo kala hadlay wax u qabashada dadka tabaalaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM