Xildhibaan SL ka tirsan oo baaq u diray xukuumada Biixi

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Guddoomiye xigeenka labaad ee golaha Wakiilada Somaliland, Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil ayaa baaq ka diray xaalada colaada xukuumada Muuse Biixi ka abaabulayso Oog.

"Waxaan ku baaqayaa meeshaas in aan dagaal danbe lagu qaadin oo colaad danbe laga samayn".

Soo jeedinta gudoomiyaha ayaa imaanaysa xilli maamulka Somaliland uu maleeshiyo Beeleed ku aruurinayo magaalada Oog.

Golaha sare ee Isimada SSC-Khaatumo ayaa horey Somaliland ugu baaqay in ay Nabad qaadato isla markaana ka waantoobo madaxweyne Muuse Biixi hurinta colaad.

Dadka arimaha indhaha ku haya ayaa ka digaya in Colaadu u gudubto reer guuraaga isla markaana ay noqoto mid reebta mahadhooyin Bulsho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM