XOG: Sababaha Ismaaciil Madar looga soo saarey Tartanka Qur'aanka Dubai

Image

DUBAI, UAE- Warsidaha Garowe Online, ayaa u kuurgalay sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya in Ismaaciil Cumar Madaar laga soo saaro Tartankii Qur'aanka ee magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

GO ayaa ogaaday in Ismaaciil Madaar, oo Somalia u Matalay Tartanka laga soo saarey Imaaraadka, kadib markii uu Baraha Bulshada "Social Media", la wadaagay asxaabtiisa Qoraallo ay ku taageerayeen Qadar.

UAE ayaa soo saartey dhawaan ammaro cusub, oo kamid ah in cid kasta oo taageero iyo midnimo ugu muujisa Baraha Bulshada dalka Qadar ku mutaysan doono 15 sano oo xabi ah, iyo ganaax lacageed.

Arinta Ismaaciil ayaa noqotay mid hadal-heyn badan, oo qabsatay Canaawiinta Warbaahinta qaar, oo u micneeyay Kiiskiisa mid la xiriira go'aankii dowladda Somalia ka qaadatey Khilaafka Khaliijka ka taagan.

Isagoo kula hadlayay Wariyaasha magaalada Hargeysa, ayuu sheegay Ismaaciil Madaar in amarka looga soo saarey Imaaraadka uu ka dambeeyay Wafdigii ka socday Qadar ee tagey Muqdishu todbaadkan.

Dhanka kale, Hay'adda agaasintay Tartanka Qur'aan Akhriska ee Imaaraadka, ayaa cadaysay in sabab diblomaasiyadeed aan Ismaaciil looga soo saarin dalkaasi, balse ay tahay mid shaqsiyadeed.

Haddii kiiska uu yahay mid Imaaraadka xiriir ugu jarayso Somalia ay jiraan siyaabo kale oo ay ku muujin karaan arintaasi, sida in dhamaan Soomaalida ku nool inay ku amarto in dalkeeda isaga baxaan.

Dalka Somalia waxaa Imaaraadka Carabta, kala dhaxeeya Xiriir qoto dheer oo Taariikhi ah, mana jirto hadda wax saameyn ah oo uu ku yeeshay Khilaafka u dhaxeeya Wadamada Khilaajka qaar iyo Qadar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM