Xukuumada Siilaanyo oo adkeysay amaanka garoomada.

Image

HARGEYSA--Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo lagu soo rogay dadka rakaabka ah ee diyaaradaha ka raacaya Madaaradda Somaliland, waxana ay mamnuucday agab badan oo diyaaradaha lala raaci jirey.

Wasiirka wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo saxaafadda la hadlay ayaa shaaciyey in dhammaan Madaaradda Somaliland laga mamcuunay in lala soo galo agabka ay kamid yiihiin Subaga iyo waxyaalaha kale oo dareera. 

Wasiir Caddaan waxa uu sheegay in tallaabooyinkan kor loogu qaadayo ammaanka garoomada  uu hore ugu qorshaysnaa, balse uu kusoo beegmay xilli ay dhagaha Soomaalida iyo kuwa caalamkaba kasii guuxayaan qaraxii  aan guulaysan ee dhawaan lala beegsaday diyaaradda Daallo oo kasoo duushay garoonka Muqdisho kuna sii jeedday Djibouti.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM