Somaliland oo Ka Hadashey Muranka Tiyaatarka

Image

HARGEYSA- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay muranka ka taagan xarunta tiyaatarka Hargeysa oo ay isku hayaan ganacsade Cumar Caydiid iyo xubno salaadiin ah oo madaxweynuhu mulkiyadiisa u hibeeyey.

Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta iyo Hawlaha guud Cabdilaahi Maxamed Daahir iyo Cali Marreexaan oo si wada jir ah saxaafadda ula hadlay ayaa soo bandhigay dokumenti kala duwan oo tilmaamaya laba goobood oo kala duwan oo uu madaxweynuhu siyaabo kala duwan u kala siiyey ganacsade Cumar Caydiid iyo salaadiinta kale ee haatan goobtaas ku muransan,

 “Cumar Caydiid oo nin ganacsade ahi waxa uu xukuumadii hore iyo tan dambe ka codsaday inuu dib u dhiso tiyaatarkii oo ku dumay dagaalladii 1988, isagana laga kireeyo muddo 25-sano ah oo wixii ka gala dhismahaas marka loo qiimeeyo, waana dhulka dhismihii tiyaatarkii hore ku yaallay, dhul kale oo ka baxsan baa jira waxana soo doontay oo la siiyey muwaadiniin kale, labada dhulna mid waliba cabir gaar ah buu leeyahay.”ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

Wasiirradaan ayaa sheegey in aanu jirin wax dhul ah oo uu madaxweynuhu siiyey ganacsadahaan balse loo ogolaadey dhul cabirkiisu yahay 4607sqm loo oggolaaday inuu maalgashi ku samaysto, isla-markaana laga kireeyey.

Salaadiinta ay haatan ganacsadahan dhulkaas ku muransan yihiin, ayey wasiirradu sheegeen in la siiyey dhul ka baxsan midka ganacsadaha la siiyey, waxana ay meesha ka saareen inuu madaxweynuhu isku goob siiyey shakhsiyaadkan muranku ka dhexeeyo.

Muranka dhulka tiyaatarka ayaa  jawi kacsanaan ah ka abuuray Somaliland, waxana xukuumaddu dhawaan xabsiga dhigtay ganacsade Cumar Caydiid oo isagu sheeganaya inuu madaxweynuhu dhulkaas si gaar ah ugu wareejiyey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM