Ukraine oo Badda Madow ku qabsatay markab uu Ruushku leeyahay

Image

KYVIC, Ukraine – Ukraine ayaa Khamiista maanta ah Badda Madow ku qabsatay markab kuwa shidaalka ah oo uu leeyahay Ruushka.

Wadankan ayaa qabsashada markabkan ku sababeeyay doorka uu ku lahaa isku dhac dhex-maray maraakiib ay labada dowladood leeyihiin.

Markabka la qabsaday oo magaciisu yahay Nika Spirit ayaa waxaa hore loo oran jiray Neyma, sidda ku xusan war-saxaafadeed.

Bayaanka ayaa lagu xusay in markabka la qabtay markii uu soo galay dekadda magaaladda Izmail ee ku teedsan Badda Madow.

Talaabada Ukraine oo aargoosi lagu fasiray ayaa waxaa cambaareeyay Xildhibaano ka tirsan Raashiya, kaasi oo ku tilmaamay "fal sharci darro ah".

Isku dhaca mariiniska Ukraine iyo Ruushka oo sababay in Moscow ay qabsatay saddex markab oo ay Ukraine leedahay ayaa dhacday bishii November.

Iska hor-imaadkaasi ayaa xiisad diblumaasiyadeed wuxuu ka dhex-qarxiyey dowladahan, taasi oo kolkii dambe hoos u dhacday.

Horaantii bishan ayey ahayd markii Iran ay gacanka Xurmus ku qabsatay markab ay Boqortooyadda UK leedahay, kaasi oo wada xaajood loogu jiro sii deyntiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka ku dhowaad 10 Al-Shabaab ah

Afar maleeshiyo ayaa lagu dilay Cali Helle, halka shan kalena lagu dilay deegaanka Baraag Sheekh Caamir.

  • Wararka

    16-05-2024

  • 03:50AM

Dad ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Ceel-waaq-Kenya

Qaraxa ayaa lala beegsaday shaqaale sugayay fursado shaqo subaxnimadii hore ee Isniinta.

  • Wararka

    30-04-2024

  • 04:29AM