Safaarada Soomaaliya ee Nairobi oo dib loo howlgelinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Soomaaliya ee caasimada Kenya ee Nairobi ayaa shaqooyinkeeda caadiga ah waxay dib u bilaabeysaa Isniinta todobaadkan, 5-ta July, 2021, sidda uu shaaca ka dhigay danjiraha xukuumadda Muqdisho.

Maxamuud Axmednuur Tarsan oo u waramay warbaahinta ayaa daaha ka rogay in howladeenada safaaradda ay diyaar u yihiin in ay u adeegaan tiro kasta oo maalintaas timaada.

Dadweynaha ayuu ku tartarsiiyey in ay soo xaadiraan waqtiga shaqada ee safaaradda taasoo bilaabaneysa ugu yaraan saddexda aroornimo waqtiga Geeska Afrika.

Dhanka kale, diblumaasiga ayaa ka dhawaajiyey in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay "mid aanan marnaba ogeyn" balse wuxuu qiray in xilliyada qaar is-faham-waa yimaado.

"Kenya iyo Soomaaliya xiriirkeenu marna waa kor marna waa hoos. Laakiin waxaan kala go’eyn isu-socodka labada shacab. Taas oo mararka qaar xoojineysa in xiriirka uu yahay mid xoogan oo an kala go’eyn," ayuu ka dhawaajiyey.

Xukuumadda Nairobi ayuu uga mahadceliyey marti-gelinta Soomaali badan oo qaxooti ah kuwaas oo kalkii dambe si weyn uga faa’iideystay fursadaha dhanka ganacsiga ah.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa dhowaanhaba waxay hawada isku marinayeen eedeymo ku saabsan faragelinta arrimaha gudaha iyo xadgudubyo dhanka hawada iyo diblumaasiyada taasoo kusoo dhamaatay in xiriirka la isku jaro isla markaana lana soo celiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM