Skip to content
Garowe Online
Toos
EN SO
  • Wararka
  • Soomaaliya
    • Puntland
    • Somaliland
    • Jubaland
    • Galmudug
    • Koonfur Galbeed
    • Hirshabeelle
    • SSC-Khaatumo
    • Banaadir
    • Siyaasadda
    • Amniga
    • Doorashooyinka
  • Caalamka
    • Afrika
    • Bariga Dhexe
    • Yurub
    • Aasiya
    • Waqooyiga Ameerika
    • Khaliijka
    • Ruushka & Ukraine
    • Xiriirka Caalamiga
  • Ganacsiga
    • Dhaqaalaha
    • Suuqyada
    • Maalgashiga
    • Bangiyada
    • Tamarta
    • Dekedaha & Gaadiidka
  • Sayniska & Tiknoolajiyadda
    • Sayniska
    • Tiknoolajiyadda
    • Sirdoonka Macmalka
    • Amniga Internetka
    • Hal-abuurka
    • Hawada Sare
  • Deegaanka
    • Isbeddelka Cimilada
    • Abaaraha & Fatahaadaha
    • Biyaha
    • Tamarta Nadiifta
    • Ilaalinta Deegaanka
  • Caafimaadka
    • Caafimaadka Soomaaliya
    • Caafimaadka Caalamka
    • Cudurrada Faafa
    • Adeegyada Caafimaadka
    • Hooyada & Dhallaanka
    • Cilmi-baarista
  • Fikradaha & Falanqaynta
    • Aragti
    • Falanqayn Siyaasadeed
    • Falanqayn Dhaqaale
    • Tifaftirka
    • Wareysiyo
    • Qormooyin Gaar ah
  • Ciyaaraha
    • Kubadda Cagta
    • Ciyaaraha Soomaaliya
    • Ciyaaraha Afrika
    • Ciyaaraha Caalamka
    • Muuqaal
    • Sawiro
    • War Saxaafaded
  • Bogga hore
  • Wararka
  • Soomaaliya
    • Puntland
    • Somaliland
    • Jubaland
    • Galmudug
    • Koonfur Galbeed
    • Hirshabeelle
    • SSC-Khaatumo
    • Banaadir
    • Siyaasadda
    • Amniga
    • Doorashooyinka
  • Caalamka
    • Afrika
    • Bariga Dhexe
    • Yurub
    • Aasiya
    • Waqooyiga Ameerika
    • Khaliijka
    • Ruushka & Ukraine
    • Xiriirka Caalamiga
  • Ganacsiga
    • Dhaqaalaha
    • Suuqyada
    • Maalgashiga
    • Bangiyada
    • Tamarta
    • Dekedaha & Gaadiidka
  • Sayniska & Tiknoolajiyadda
    • Sayniska
    • Tiknoolajiyadda
    • Sirdoonka Macmalka
    • Amniga Internetka
    • Hal-abuurka
    • Hawada Sare
  • Deegaanka
    • Isbeddelka Cimilada
    • Abaaraha & Fatahaadaha
    • Biyaha
    • Tamarta Nadiifta
    • Ilaalinta Deegaanka
  • Caafimaadka
    • Caafimaadka Soomaaliya
    • Caafimaadka Caalamka
    • Cudurrada Faafa
    • Adeegyada Caafimaadka
    • Hooyada & Dhallaanka
    • Cilmi-baarista
  • Fikradaha & Falanqaynta
    • Aragti
    • Falanqayn Siyaasadeed
    • Falanqayn Dhaqaale
    • Tifaftirka
    • Wareysiyo
    • Qormooyin Gaar ah
  • Ciyaaraha
    • Kubadda Cagta
    • Ciyaaraha Soomaaliya
    • Ciyaaraha Afrika
    • Ciyaaraha Caalamka
    • Muuqaal
    • Sawiro
    • War Saxaafaded
  • FacebookXYouTubeTikTokInstagramTelegram
Caalamka/ Afrika

Kenya oo xayiraad kusoo rogtay duulimaadyada Soomaaliya

NAIROBI, Kenya - Warar soo baxaya Talaadada maanta ah ayaa tibaaxaya in hay'adda duulista rayidka Kenya ay joojisay dhamaan duulimaadyada tagaya iyo kuwa kaga imaanaya dalka Soomaaliya. Sida ku xusan qoraal kasoo baxay hay'adda, go'aankan wuxuu saameyn doonaa dhinac walba rka laga reebo kuwa dhaawacyada ciidamada iyo howlaha bini'aadantinimada. Hay'addu ma aysan faahfaahin sababaha laakiin waxay soo jeedisay inuu jiray amar amni oo ka yimid dowladda oo lagu xadidayo isu socodka diyaaradaha labada dal. Go’aanka ayaa ka dhigan in aan la ogolaan doonin dhammaan duulimaadyada la kireystay iyo kuwa qorsheysan ee tagaya Soomaaliya. Si kastaba ha noqotee, duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, ee maraya hawada Kenya kuna sii jeeda meel kale ayaa laga saaarey liiska. Warkan ayaa lagu dhawaaqay xilli Madaxweynaha waqtiga ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu culeys saarey dalka Kenya isagoo kusii jeeda dalka Uganda si uu uga qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Yoweri Museveni. Tani waxay imaaneysaa xilli Muqdisho ay diidey in ay xayiraado ka qaado Jaadka miiraha Kenya taasoo sababtay in Jaadleyda Kenya ay qasaaraan kumanaan doolarka Mareykanka. Wasiirka duulista hawada Soomaaliya, Dufaan Axmed Faarax, ayaa sheegay in aysan fileyn go'aanka Kenya ku joojisay duulimaadyadda, wuxuuna ku sifeeyay "mid sii fogeynaya" xiisadda dhextaala labada dal ee biyaha qabow lagu shubay todobaadkii lasoo dhaafay. Khamiista todobaadii hore, Muqdisho iyo Nairobi ayaa xiriirkooda diblumaasi kusoo celiyey dhexdhexaadin ay ka dhex-sameysay dowladda Qadar oo galaangal ku leh taliska muddo xileediisa uu dhacay ee Farmaajo. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ma aysan sheegin xilliga uu safiirkeedu dib u billaabmayo. Mudane Maxamud Nuur Tarsan ayaa dib loogu yeeray Muqdisho halka Lucas Tumbo oo reer Kenya ah uu dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi kadib markii Muqdisho ay xiriirka u jartay bishii December. Iyaddoo arrintaas jirto, Nairobi ma aysan jarin xiriirka. Ma ahan markii ugu horreysay ee Nairobi ama Muqdisho midkood hakiyo duulimaadyada. Isla markii ay dhacday dowladdii Siyaad Barre, Madaxweynihii Kenya ee xilligaas, Daniel Moi, wuxuu joojiyay duulimaadyadii, isagoo xiray xuduudaha. Codsi ka yimid hay'adaha bani'aadamnimada, ayaa si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku oggolaaday marin dadka tabaaleysan loo marinayo gargaarka hay'addaha samafalka. Sannadihii dambe, Kenya waxay ku xaddiday duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya inay marka hore u soo maraan Wajeer baaritaanno ammaan inta aysan u gudbin garoon kale. Wadahadal udhaxeeyey labada dhinac ayaa waxaa kasoo baxdey in talaabada laga qaaday sanadka 2019, kadib markii Muqdisho "ay ogolaatay in la xoojiso baaritaanka amniga ee rakaabka dhankeeda ka imaanaya". Dhowr bilood ka dib, Soomaaliya waxay mamnuucday duulimaadyadii Jaadka miiraha Kenya waxayna go'aamisay in dhammaan duulimaadyada kale inay ka dagaan Muqdisho ka hor inta aysan aadin dekedo/goobo kale. GAROWE ONLINE

WN
WARIYAHA NAIROBI · GAROWE ONLINE
11 Mjo 2021 · 11:40
Kenya oo xayiraad kusoo rogtay duulimaadyada Soomaaliya
Kenya Muqdisho Nairobi Soomaaliya

Ugu akhriska badan

  1. 1 Jaamac oo Kenya, Itoobiya iyo Uganda ku Eedeeyay Iskaashi ay la leeyihiin Al-Shabaab
  2. 2 Booliska Sweden oo maxkamad loo soo taagayo kiiska dilka wiil Soomaali ah
  3. 3 Madaxweynihii ugu horreeyay HirShabelle oo ku geeriyooday Masar
  4. 4 Wasiir ka tirsanaa xukuumadda cusub ee Galmudug oo is-casilay saacado kadib magacaabistiisa
  5. 5 Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday wasiirkii dadka u caayi jirey

Wararkii ugu dambeeyay

Afrika

Itoobiya oo dhinacyada ku dagaalamaya Sudan ku casuuntay wada-hadal

25 Nof

Siyaasadda

Fahad Yaasiin oo weli sii wada taageerista Xasan Shiikh

25 Nof

Soomaaliya

Jaamac oo Kenya, Itoobiya iyo Uganda ku Eedeeyay Iskaashi ay la leeyihiin Al-Shabaab

25 Nof

Soomaaliya

Gollaha Wasiirrada oo Ansixiyay Wax-ka-beddelka Xeerka Doorashooyinka Soomaaliya

25 Nof

Somaliland

Taiwan oo Wakiil Cusub u Magacowday Somaliland Xilli Shiinuhu Ka Soo Horjeedo Xiriirkooda

25 Nof

Wax dheeraad ah: Afrika

Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya

Afrika

Itoobiya oo dhinacyada ku dagaalamaya Sudan ku casuuntay wada-hadal

25 Nof 2026

Afrika

Weerar ka dhacay dalka Kenya iyo howlgalka ka billowday xadka Soomaaliya

10 Nof 2026

Afrika

Dimuqraadiyadda Afrika oo hoos u dhacaysa, hoggaamiyeyaashuna awoodda isku koobayaan

2 Nof 2026

Afrika

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

31 Okt 2026

Garowe Online

Garowe Online waa degel war oo xor ah oo fadhigiisu yahay Garoowe, Puntland, waana walaalka internetka ee Radio Garowe.

Liiska

  • Wararka
  • Soomaaliya
  • Caalamka
  • Ganacsiga
  • Sayniska & Tiknoolajiyadda
  • Deegaanka
  • Caafimaadka
  • Fikradaha & Falanqaynta
  • Ciyaaraha

Garowe Online

  • Nagu saabsan
  • Nala soo xiriir
  • Qaanuunka asturnaanta
  • Dejinta cookies
  • RSS

Nala soco

  • Facebook
  • X
  • YouTube
  • TikTok
  • Instagram
  • Telegram
© 2026 Garowe Online. Xuquuqda oo dhan way dhowran tahay.

Asturnaantaada

Waxaan isticmaalnaa cookies lagama maarmaan ah si boggu u shaqeeyo. Oggolaanshahaaga kadib, waxaan sidoo kale u oggolaanaynaa shirkadaha xayeysiiska inay soo bandhigaan waxyaabahooda. Qaanuunka asturnaanta