Soomaali lagu waayey burcad-badeednimo oo lasii daayey

Image

VICTORIA, Seychelles - Shan muwaadin oo Soomaali ah oo loo haystay burcad badeednimo ayaa Jimcihii la sii daayay kadib markii maxkamada sare ee Seychelles ay ogaatay in aysan jirin cadeyn ku filan oo ay ku taageerto eedaha loo soo jeediyay.

Maxkamada sare ayaa xukuntay in xiliga la qabtay raggaasi aan lagu helin inay sameynayaan wax sharci daro ah isla markaana aysan wadan wax hub sharci daro ah. Shanta nin waxay xorriyadooda dib u helaan xukunka kadib.

Maxkamadaynta shanta Soomaaliyeed waxay bilaabatay Sebtember 2020, sanad ka dib markii uu qabtey markabka ciidamada badda ee Yurub (EU NAVFOR) ee ESPS NAVARRA.

Howlgalka Atalanta ee EU NAVFOR Somalia ayaa shanta tuhmane ku wareejiyay maamulka Seychellois sanadka 2019 iyadoo la tixraacayo heshiis wareejin ah oo u dhexeeya jasiiradda ku taal galbeedka Badweynta Hindiya iyo Midowga Yurub oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Mukhaadaraadka iyo Dambiyada (UNODC).

Qareenka difaacayay eedeysaneyaasha dambiga lagu waayey, Joel Camille, ayaa sheegay in xaqiiqda kooxda qareenada eedeysanayaasha la badalay seddex jeer ay kaalin ka qaadatay dib-u-dhaca.

"Hadda raggaas waa la siidaayay. UNDOC sameyn doonta qabanqaabada lagama maarmaanka u ah sidii dalkooda dib loogu celin lahaa maadaama ay waddanka ku joogaan xaalad Muhaajirnimo oo La Mamnuucay," ayuu ku daray.

Si kastaba ha noqotee, Camille ayaa intaas ku daray in uusan ka warqabin in raggaasi ay bilaabayaan dacwado ay ku doonayaan magdhow ah iyo in kale kadib laba sano oo ay ku jireen xabsiga Seychelles ayaga oo aanan sameyn wax fal-dambiyeed ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rwanda oo beenisay eedeymaha QM ee ku saabsan ka qaybgalka dilka shacabka ee bariga Congo

OHCHR ayaa sheegtay in dagaalyahannada M23 ay falkan gaysteen iyagoo taageero ka helaya ciidamada Rwanda.

  • Afrika

    12-08-2025

  • 07:53AM

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM