Maxaa laga filayaa macalinka cusub ee Real Madrid?

Image

MADRID - Kooxda kubada cagta Real Madrid ee wadanka Spain ayaa waxay ku dhawaaqday shalay oo Talaado ahayd macalinkeeda cusub, ee bedali lahaa Zidane, kaasoo 31-kii May iska casilay xilkan si lama filaan ah.

Website-ka rasmiga ah ee Los Blancos ayaa waxaa lagu soo daabacay in tababare Julian Lopetegui uu yahay macalinkeeda xiga kadib is-casilaadii lama filaanka ahayd ee Zidane.

Lopetegui oo hadda ah 51-sano jir, ayaa wuxuu hogaamiyaa xulka qaranka Spain, wuxuuna uraaci doonaa Koobka Aduunka 2018, kaasoo 14-ka bishaan ka furmaya wadanka Ruushka.

Sida laga soo xigtay Bayaanka kasoo baxay Real Madrid, Lopetegui wuxuu shaqada la wareegi doonaa kadib Koobka Aduunka, kaasoo lagu wado in lasoo gaba gabeeyay horaanta bisha Julaayo ee sanadkaan.

Warbaahinta dalka Spain ayaa soo warinaysa in Lopetegui uu qalinka ku jiidi doono Saddex sano oo qandaraas ah, inkastoo aan la ogayn cadadka mushaarka uu sanadkii iyo bishii qaadan doono.

Wuxuu iska diiday dalab heshiis kordhin ah oo uu ka helay maamulka xulka qaranka kubada cagta Spain, sida Majalada MARCA sheegayso, taasoo ka dhigan in Madrid ay afduubatay.

Tani waxay macnheedu tahay inay meesha ka baxeen Mauricio Pochettino, Antonio Conte iyo Jurgen Klopp, kuwaasoo loo arkayey bedalka Zinedine Zidane oo is-taqaaladiisa gudbiyay bisii hore.

Lopetegui oo ku dhashay Asteasu, oo ka tirsan Spain ayaa wuxuu ahaa Shabaq-illaaliye markii uu ciyaaryahan ahaan, wuxuuna usoo dheelay Barcelona iyo Real Madrid oo ah labada koox ee ugu awooda badan Spain.

Intii uu ciyaaryahan ahaa, wuxuu ku guuleystay saddex koob oo kala ah, La Liga iyo Supercopa de España iyoFIFA World Youth Championship oo Spain la qaaday, halka mudadii uu tababare ahaa uu qaaday Labo koob oo kala ah, European Under-19 Championship iyo European Under-21 Championship.

Waxa ugu badan oo ay filayaa taageerayaasha Real Madrid, waxay tahay inuu halkii uu Zidane uga tegay uu shaqada kasii wado, islamarkaana kooxda uu gaarsiiyo guulo waa weyn oo Maxali iyo kuwa caalami ah isugu jira.

Sikastaba, Lopetegui ayaa waxaa uu hadda diyaarada saari doonaa sidii uu uga dhabeyn lahaa rajadda Kumanaan kun oo reer Spain, kuwaasoo isha ku haya inuu dalkooda hanto Koobka Aduunka 2018-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM