Soomaaliya oo Kenya ku wajaheysa furitaanka tartan kubada cagta ah

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Xulalka kubadda cagta Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay isaga hor-imaan doonan ciyaar ka tirsan tartanka Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika gaar ahaan heerkiisa xidigaha 15-jirada ah.

Labadan dal ee deriska ah kuwaasi oo mushkilado siyaasadeed ay dhextaalo gaar ahaan dhinaca dacwadda dhanka badda oo hortaala Maxkamadda Cadalaadda Aduunka ayaa kuwada jira Group A.

Sanduuqaasi ayaa waxaa ku wehliya wadamadda Burundi iyo Eritrea oo ah dalka martigelinaya tartanka aadka u xiisaha badan.

Kulanka ay gorada is-dari doonan Soomaaliya iyo Kenya oo ah furitaanka tartanka ayaa waxaa la filayaa in maalinta Jimcaha ee todobaadkan uu ka qabsoomo wadanka Eritrea.

Group-yadda sida midka B oo u muuqda mid aad u adag ayaa waxaa kuwada jira Uganda, Rwanda, Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed.

Halka Group-ka C oo isana ah mid aanan ka liidan ayaa waxaa kasoo wada muuqday qaramada Tanzania, Sudan iyo Djibouti.

Sidda uu dhigayo sharciga koobkan, saddexda xul ee ugu sareeya A iyo B ayaa afar dhamaadka waxaa ku wehlin doona labada ugu sareysa C.

Ciyaaraha rubuc-dhamaadka ayaa waxaa loo muddeeyay in ay qabsooman 27-da iyo 28-ka bisha August ee sanadkan 2019.

Ugu dambeyntii, sidda ku cad jadwalka uu guddiga qaban-qaabada soo saarey, ciyaarta ugu dambeysa ee Final-ka ah ayaa waxaa la dheeli doonaa 1-da bisha September ee isla sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM