Faa’iido ma ku jiri kartaa in Muqdisho Laga Wareejiyo Xafiisyada Dawladda?

Image

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho anigu ma tegin, se waxaa la ii sheegay iney tahay magaalo balaadhatey, waayadii horena ahaan jirtey hormuudka caasimaddaha Afrika. Inaan tegi waayo waa gartey, saa ilaa maalintaan garaadsadey dagaal baa ka socdey.

Intii dawladdo lasoo dhisayey meesha la isku haystaa waa Muqdisho, haayoo waa caasimaddii waddanka oo ninkii xukunkeeda ku guuleystaa, waddankii oo dhan in uu taliya ayey u eekaaneysaa.

Magaaladan in la sugo ilaa inta hal qof gacanta ku dhigayo, waxay ku kaliftey goboladii kale ee waddanka intooda badani in ay u xayirnaadaan.

Wiilka jooga Tuulo ku taal Baydhabo agteeda waxa uu u haystay oo laga dhaadhiciyey in tuulladooda yar aan koronto iyo biyo toona soo gaadheyn ilaa Xamar xal loo helo, Soomaali badankeed ayaa iska dhaadhicisey malaha taas.

Hadeer waxaa Xamar ka taliya gebi ahaanteed Dawladda Federaalka ah, oo uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaase arrin loo caal waayey ku noqotey sidii shaqsiyaadka u shaqeeya dawladda iyo xafiisyada dawladda amaankooda loo sugi lahaa, walow ay haystaan ciidamo aad u tiro badan.

Inta badan hadeer qofka shacabka ah ee Muqdisho ku dhintaa waa mid ka ag dhowaa masuul dawladda u shaqeeya oo qarax banbaamo lala beegsanayo, mid soo ag marey hudheel dhaqaalaha dawladdu ku caweyso oo naftii halige badhtanka u galay, iyo wariye dawladda hadal heynteeda lagu qoonsadey.

In shaqaalaha iyo xafiisyada dawladda la ilaaliyo waxay ku kacdaa qiimo badan iyo boqolaal ciidan ah oo aan shaqo kale hayn, aan ka ahayn iney shaqsi madax ah geerida ka ilaaliyaan.

Baarlamaankuna waxay dhaheen shaqeyn kari mayno ilaa midkaayoba 2 askari oo khaas ah ay garab galaan markuu suuqa kasoo shaaheyo. Waa 500 oo askari iyo dheeraad oo ay dheertahay inta xarunta baarlamaanka ilaalineysa markay shirayaan. Bal malee madaxweynaha inta ilaalineysa!

Madaxwayne Xasan Sheekh markii la doortey waxa uu sheegay oo ku celceliyey ” Amaanka, Amaanka, Amaanka” in uu sugi doono. Shacabku waxay u qaateen in madaxweynuhu u jeedo amaanka waddanka oo dhan baan sugayaa, se waxaa xaqiiqdu tahay inuu ula jeeday ”Amaankeyga Amaankeyga Amaankeyga, een een iyo inta ila shaqeyneysa”

Hadii waddanka amaankiisa la sugayo sow tan qabiilo isku laynayaan duleedka Muqdisho.
Dawlad u dhakeyneysa hadh iyo habeen sidii ay amaankeeda u sugi lahayd kasoo qaad, ku se guuleysan kari la’.

Kolkaas shacabkii soomaaliyeed warcelin danbe ayaa kusoo noqotey oo ah:- Haa Xamar dawladda gacanta ku haysa, se dawlad weli heli maysaan ilaa madaxda dawladdu amaan buuxa ku helaan Xamar. 20 sano oo danbe ar may qaadataa iyana? Arrintu waa Xamareey xeeladaa dheer marka!

Mar hadii Muqdisho gacanta dawladdu ku hayso gebi ahaanteedba, se magaaladii ay tahay magaalo weyn oo bahalo galeen noqon karta oo cid walba ku dhuuman karto, xafiisyadii iyo shaqaalihii dawladduna bartilmaameed gaar ah yihiin, miyaaney qumaneyn in xafiisyada dawladda loo raro magaalo kale oo kooban nabdoona, halkaas oo ay madaxda dawladdu ay si toos ah ugu shaqeeyaan shacabka iyagoon la qalin daareyn, amaankoodana aan ka welwelsaneyn. Muqdishona gudoomiyaheeda oo ciidankiisa booliska iyo militerigu u dhanyihiin uu maamulo?

Arrintaasi waxay baajin lahayd nafo badan, waxay shaqo gelin lahayd kumanaan ciidan ah oo aan hada wax shaqo ah u hayn qaranka aan ka ahayn iney madaxtooyada iyo xafiisyada dawladda hub culus la hor taaganyihiin, waxay baajin lahayd qarash badan oo ku baxa arrimo laga baaqsan karo, waxay kaloo baajin lahayd waqti badan oo Soomaali ka lumaya, ugu muhiimsane waxay fursad siin lahayd oo dawladnimadu gaadhi lahayd shacab malaayiin ah kuna nool Xamar banaankeeda oo 24 sano soo eegayey dawlad uga timaada dhinaca Xamar.

W/Q Maxamed Faarax (Khusuusi)
Khusuusi143@hotmail.com

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM