Isu Dheelitir La'aanta Shaqada Ciidamada Puntland iyo Hay'daha Sharciga

Image
Image
Image

By Othman MJ

Sidan wada ogsoon nahay 14 March, 2016 Puntlad waxa ku soo duulay ma naxayaasha ee Khawarijta ah Alshabab, xili ay aroornimo ahayd, ku waas oo ka soo galay xaga bada tuulo oo xeebta saaran - Garacad iyo Garmaal.

Ciidamada Alshabab oo aan cadadkooda dhabta qormada lagu xusi karin hadana waxay ahaayeen Ciidan la oran karo, waxay ahaayen kuwa ugu xooga badan ee Alshabab haysato, markii la fiirsho xaga tababarka, saanada ay wateen iyo tirada. Labada tuulo oo xeebta saaran Garacad iyo Garmaal ciidamada soo galay ee Alshabab awood ahaan way isu dhawaayen balse Ciidanka Garacad soo wajahay ayaa sida wararku sheegayaan ka xoog badnaa kuwa Garmaal.

Hujuumka Alshabab ee Puntland ku soo Qaadey

 Al shabab intii laba sano iyo bar ku dhaw, dawlada Puntland waxay ka arkeen habac sanaan iyo foojignaan la’aan ka jirta dhinacyada Sharciga iyo Sirdoonka. Tusaale ahaan Alshababka waxay la socdaan sida sahlan ee xabsiyada lagaga siidaayo marka askartooda la qabto in badan ka mida dambiyo cad-cad lagu hayo.

Sidoo kale Alshabab weerarka ay soo qaadeen 14kii March waxa dhiiri galiyey Xukuumada Puntland oo muujisay in aysan dan ka la hayn dhaq-dhaqaaqa iyo isaga gooshida ay Xarakadu ka wado wadada dheer isku xirta Galkacyo, Bosaso iyo degaamada waqoyi ee fog sida Galgala. 

Dhanica kale hay’adaha sir-doonka ee Puntland ayaa ka gaabiyey shaqadii iyo kartidii xirfadaysneyd ee looga bartey sanadihii hore, waxaana  fududaatey in dagaal balaaran soo qaadan Alshabab si bareer ah, xukuumada Puntland aysan wax xoga aysan ka hayn.    

Kaalinta Ciidamada Puntland

Ciidamada Puntland dhamaantood PSF, Darawish, PMPF iyo Birmadka waxay si geesinimo leh oo mid ah uga hor tageen cadowga ma naxayaasha ah ee Alshabab, mudo kooban oo lagu qiyaasay 72 saacna ku soo afmeereen gabi ahaan awooda cadawka in yar oo fara ku tiris ah baxsatey mooyee wax la dilay iyo wax maxaabis ahaan loo soo qabtey laga dhigay gabi ahaan labada aag uu dagaalka ka dhacey.

Awooda iyo geesinimada ciidamada Puntland ay soo  bandhigeen waxay noqotey mid Somalia, Amisom iyo International Community cashar lama ilaawan ka baran doonan. Sida Puntland u soo gaba-gabeysay mudo kooban cadaw koonfurta Somalia iyo Geeska Africa ka ah Mashruuc billions Dollar lagu dhunsado la dagaalankiisa waa arin fashilinaysa Calamka in uusan marna daacad laga ahayn in Somalia ka saaro Arga-gixisadu. Ciidanka Puntland ayaa waxaa dagaalada ka soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh balse xadidan. 

Qaabka  Maxabista Alshabab Loola Dhaqmey

 Askarta Alshabab ayaa marwalba Dagaalada u gala iyagoo aaminsan in cidda ay la dagaalamayaan tahay Murtaddiin kuwasoo naftooda iyo maalkooda tahay in lagu shahiido, hadey gacanta sareeya yeeshaana inay bixiyaan qof ay dagaal ku qabteena waa arin aan marna suurta gali karin oo lid ku ah mabadiida uu qorayo kitaabkooda Axkaamta ee Milatil Ibrahim.

Ciidanka Puntland guud ahaan wuxuu gutay waajibaadka ka sarnaa dagaalka, intii askarta Alshabab ay ku dileen dagaalku intuu socday mooyaane wixii isa soo dhiibtay waxay ula dhaqmeen si wafaqsan xeerka caalamiga ah “Geneva Convention”.

Markii ay Maxaabistu ka wareegtay gacanta Ciidamada Puntland oo gashay gacanta hay’adaha dawliga ee ku shaqo leh khaasatan Maxkamada, Boliska iyo qaybihiisa kala duwan sida dambi-baarista. Waxaa halmar is badalay wajigii dagaalka Khawarijta lala galay uu lahaa, waxaa meesha ka baxay juhdigii naf iyo maal u hurida lahaa oo 72 saac ciidamada Puntland ay ku horjoogeen cadaw aan wax naxarisa lahayn. Waxaa iyana meesha ka baxay ahmiyad siintii ciidamada kuwa badqaba, kuwa soo dhawcmay iyo xaalada ay ku sagan yihiin askarta dhaawac yada culus qabta.

Waxaa muuqday in hay’adaha dawliga ee xukuumada Puntland ay mudnaanta koowaad siinayaan Maxaabiista dagaalka lagu qabtey isamarkaasna ah isla kuwii laayey ama dhaawacay ciidamada Puntland, waxaa laga dheehan karay Media caalamka in xukuumada Puntland u dhaqantey sidii inay Puntland dib u soo furatey dad Maxaabiis ahaa ee horey looga haystey. 

Dhinaca kale Media xorta ah oo gaarka loo leeyahay, marka laga reebo dadaalka guud ku soo tabinayeen xogta rasmiga xaalada dagaalku ku sugnaa, khaladka qaybtooda waxbay ku leeyihiin sida qirashada Maxaabista inay inta badan yihiin dad la soo khalday oo aan dambi lahayn ama aan qaan-gaar ahayn, ma aha shaqada Media inay ka hor dhacdo xukunka ay mutaysan doonan Maxbuus xaalad dagaal lagu soo qabtey. Dabcan Media inay hesho xoriyadaa intaa leeg ay isaga wareysan karto maxbuus dagaal fasirka ay doontana ka bixin karto waxa masuuliyeeda leh Hay’adihii dawliga ee xukuumada Puntland ee arintaan ku shaqo lahaa.

Masuuliyintaa fasirka dagaalka Alshabab u dhigay qaab NGO waxa ka mida Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Mohamud Hasan Aw Osman. Xeer Ilaaliyuhu mar uu waramey Somali Cable wuxuu cadeeyay "in dhalinyaradu la soo mara habaabiyey islamarkaasna waalidiintooda caruurtaan laga soo afduubay” iyadoo hadalka Xeer Ilaaliyah si kaleba loo fasir ayaa Xeer Ilaaliyaha waxa hortaal goormaa Maxakamadaha Dawlada Puntland intay baaris dheer sameyeen go’aan ku gaareen in maxaabiista yar-yar dambi la’aan yihiin waalidkoodana laga soo xadey. Mise Xeer Ilaaliyuhu wuxuu go’aanka ku gaaray wareysiga uu mid yar maxaabisa kula hadley isagoo yiri “markaan wareystey mid yar oo yiri hooyadey ha layla hadal siiyo calooshaa i wareegtey” Xeer Ilaaliyuhu muxuu ka og yahay Hooyadu inay magaceeda xarakiga la yiraahdo Uma-Qaatil isalamarkasna tahay mida dadka bireysa - halkan ka dhageyso: https://youtu.be/YSccCHUE6x0

Sida hab-dhaqanka masuulintaan looga bartey waxay u muuqataa kuwa fursado mashaariic ka dhex arkay Maxaabiista la soo qabtey ama lafahooda u baqaya oo is leh armaa Alshabab idin dishaa hadaad xukun adag ku ridaan Maxaabista, miday tahay ba waxay masuuliyiintaan bah dileen juhdigii Ciidamada Puntland.

Mas'uul kale oo iyaduna khaladay wajigii dagaalka lahaa Khadra Jama Mohamed Warsame Gudoomiyaha Haweenka oo awalba shaqadeedu dulsaar ku ahayd Wazaarada Haweenka, ayaa si lama filaan ah ku booqatey Maxaabiistii Dagaalka, islamarkasna Calanka Puntland funaanado ku sawiran u galisay iskuna sawirtey, maxbuus dagaal oo calanka Puntland rabey inuu mid madow ku badalo, sidee noqonayaa fasirka in Calanka Puntland dambiile aan wali la xakumin dusha laga huwiyo. Hawsha guracan ay Gudoomiyaha haweenku qabatey waxaa war-saxaafeedkeed ku baafiyey Warside laga leeyahay Madaxtooyada Puntland, halkan kala soco: http://www.villapuntland.com/?p=23819

Masuuliyiintaani waxay daba mareen waajibaadkii ay mujtamaca u hayeen, waxayna sakhireen dagaalkii mood iyo maalba lahaa ee Puntland ku gashey, waxaana ku kalifey baqdin ay Alshababka ka baqayaan iyo ka raadin xaaladaan dagaal fursado mashaariiceed. Masuuliyiintu warbixinada iyo ficilka ay sameeyeen waxay dhiiri galinaysaa in Alshababtu marwalba Puntland soo weerarto maadaama maxaba iyo galkacayl loo muujinayo markii dagaalka lagu qabto. 

Labadaan masuul iyo kuwa kale oo badan waxay dafireen qaybtii kaga aadaneyd inay ka warhayaan, booqdaan islamarkaana soo bandhigaan xaalada ciidamada dhaawaca iyo xaalada ay ku sugan yihiin qoysaskii ay ka baxeen Askartii ku shahiiday soo qabashada Alshabab.

Xukuumada Puntland waxaa umada reer Puntland ay ku culustahay xaalada Puntland ay soo wajahdey Dawladooda ka filayaan in si deg deg ah loola xisaabtamo laba Masuul oo si ula kaca u sameeyay khaladaad majaxaabinaya wajiga uu leeyahay Dagaalka cusub Puntland la gashay Alshabab, islamarkaasna noqon doonin kii ugu dambeeyay ay Puntland la gasho Alshabab.

Qore: Othman MJ, Email: othmun1@gmail.com

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM