Jaaliyada Somalida ee Dubai oo beenisay in lagu xadgudbo

Image

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Emaaraadka  (UAE) ayaa beeniyay warar la faafiyay oo sheegayay in Xadgudub,tacadiyo iyo dhibaatooyin loo gaysto Soomaalida ku nool Imaraada Dubai.

Qoraal ay jaaliyadu warbaahinta soo Gaasiiyay ayaa u qornaa Sidatan.

Dalka Emaaraatka (UAE) waa dalka labaad ee Soomalida ugu badani ay ku nool yihiin wadamada caalamka, waxaana dalkan ku dhaqan Soomaali gaaraysa 130.000 oo qof. Soomaalidu dalkan waxay ku leeyihiin ganacsi balaaran, waana wadan laga qadariyo dadka Soomaaliyeed, waxaa kale oo ay ka mid yihiin ciidamada difaaca iyo shaqaalaha dawladda Emaraatka, sidoo kale waa wadan qofka Soomaaliga ahi la xuquuq yahay shucuubta wadamada carbeed ka yimaada, taasi waxay caddeyn u tahay wanaagga ka dhexeeya labada shacab ee Emaraatka Carabta iyo Soomaalida.

Faafinta warar meel ka dhac ku ah maqaamka ganacsatada Puntland iyo kan ummada Soomaaliyeed.

Koox sheegatay inay yihiin ganacsato Soomaaliyeed oo dhawaan ku kulmay magaalada dekada ah ee Bosaaso ayaa eedayn usoo jeediyay dalka Emaraatka, sheegayna in lagu xadgudbo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool (U A E).

Kulankani wuxuu ahaa mid meel looga dhacay dawladda Soomaaliya oo lagu tilmaamay mid aan wax ka ogayn muwaadiniinteeda ku nool Emaraatka.

Safaaradda Soomaaliyeed ee Emaraatka ayaa lagu tilmaamay mid daciif ah oo ay sheegeen inay garab ka waayeen ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi. Waxa iyana la magacaabay maamulada dalka Soomaaliya sida Jubbaland oo qoraalkan lagu sheegay inuu danbiyo aan cadayn loo hayn ka galay Soomaalida Emaraatka.

Waxaa kale oo qoraalkan loogu gefay sharafkii iyo maqaamkii ganacsatada Puntland iyo guud ahaan Somaaliyaba, iyadoo lix qof oo aan la hubin inay ganacsato yihiin iska soo qaadeen kuwa matalaya dhamaan ganacsada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa laga been sheegay dawlada Emaraatka (UAE) iyo mas`uuliyiin u qaabilsan dabagalka dhuxusha, amniga iyo la dagaalanka argagixisada, kuwaasi oo lagu tilmaamay inay qayb ka yihiin musuqmaasuqa ay sheegeen in lagu la kaco dadka Soomaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Ujeedada ka dambaysay kulankii Bosaaso!

Waxaa Bosaaso ku kulmay koox iyagu dan mooday carqaladaynta ganacsiga balaaran ee u dhexeeya wadamada Emaraadka iyo Soomaaliya, kaddib markii ay ku fashilmeen isku dayo ay ku doonayeen inay ku hirgeliyaan ganacsi aanay u madaxbanaanayn.

Furida warar ka been sheegaya xaalada ammaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Emaaraadka, si loogu dhega nuglaado hadafka ay huwanaayeen.

Welwel ku abuuridda dadka ka shaqeysta dalka Emaraadka, gaar ahaan sharikaadka ganacsi ee Soomaalidu ku leeyihiin dalkaasi.

Faafinta warar aan loo meeldayin jiritaankooda iyo rajeynta iska horkeen fududeeya ujeedooyinka ay ka damacsanaayeen kulanka.

Jaaliyadda (U A E) waxay shacab weynaha Soomaalida u sheegayaan, maadaama wixii ka dambeeyay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya uu meesha ka baxay isla xisaabtan dhab ah oo dhan kasta ah, in laga digtoonaado faafinta warar aan maangalka ahayn oo abuuraya colaad afeed, kala faquuqaya umadda Soomaliyeed iyo kuwa aynu ganacsiga, walaalnimada iyo ood wadaaga nahay.

Jaaliyadda Dubai waxa kale oo ay daboolka ka qaadaysaa in aanay jirin dad u xiran dawladda Emaraadka, dadka la xirayna uu xarigoodu ku saleysan yahay fal danbiyeed u gaar ah, balse aanay jirin cid lagu takrifalay xuquuqdii ay ku lahaayeen dalkan aanu walaalaha nahay.

Waxaa kaloo shacabka Somaaliyeed wada qirayaan in dalka Emaaraadku ahaa hoyga keliya ee ummadda Somaaliyeed lahaayeen laga soo bilaabo burburkii dawladii dhexe, kaas oo ka haqab tiray baahiyo badan oo ay adkeyd in laga gudbo, waxaana walaalaheena Emaraatku ay dhabarka u dhigteen oo martigeliyeen boqolaal kun oo Soomaali ah, waxa marag ma doonto ah in aysan jirin wax cabasho ah oo laga sheegay Soomaalida ku sugan dalkaasi 27 kii sano oo dalkeennu burbursanaa, taasi waxay cadeyn u tahay wanaagga naga dhexeeya dalka Emiraatka oo aanu tixgelin wayn ugu hayno, waxaana loo bahan yahay in xiriirkaasi aanu dayacmin.

Baaqa Jaaliyadda Dubai (UAE) ee shacabka, dowlada Somaaliyeed iyo kooxdii kulanka ku qabatay Bosaaso:

Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, waxaan leenahay waa in laga fiirsado laguna baraarugo wararka lagu fidinayo warbaahinta, si aysan dhaawac ugu geysan dadkeenna ay hore u haysteen dhibaatooyin tiro beel ah.

Warbaahinta madaxa banaan waxaan u soo jeedinayna inay ka hortagaan wararka Fake News-ka ah oo ay iska hubiyaan inta aanay daabacin warbixino aan xaqiiqda ku salaysnayn, isla markaana ay ka dambeeyaan koox sumcad weerar ah.

Dawlada Federaalku inay dabgal ku sameeyaan qoraalkii ka soo baxay kulankan, gaar ahaan laamaha amiga iyo Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Ganacsiga, sidoo kale maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Waxaan kooxdan u sheegaynaa inay denbi caalami tahay sumcad weerarka lagu sameeyo ganacsi, shaqsi, masuul, maamul iyo dawlado, warar been abuur ah ee Hay’adaha ama Websityada u gudbisaana sharciga la idin ku hor keenayo.

Kama dambaystii waxaan kooxdan ugu baaqaynaa, hadii ay tabasho qabaan inay u maraan wadada sharciga iyo nidaam dawliga ah, isla markaana ay ka waantoobaan ku xad gudubka iyo dhaleecaynta ummada Soomaliyeed ee ku dhaqan Emaraatka, dawladda Soomaalya iyo Safaarada dalkeenu ku leeyahay (UAE), sidoo kale aanay mushkilad ka dhex abuurin shacabka Soomaaliyeed iyo kan Emaraatka ee wanaag iyo walaalnimo soo jireenka ahi ka dhexayso.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dubai (UAE)

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM