Puntland iyo Koonfur Galbeed yaa u gar-naqi doona?

Image

Waxaa maalmahan socday hadalo laga soo xiganayey shakhsiyaad reer Puntland ah kuwaas oo kala ahaa Madaxweyne Cabdiweli oo khudbad ku soo qaatay dhalinyarada u dhalatay magaalooyin ka tirsan Koonfur Galbeed dhibta ay ku hayaan amniga Puntland iyada oo ay kooxa kale adeegsanayaan.

Sidoo kale, waxaa isagana jawaaba kooban laga soo xigtay Mudane Mohamud Xayir Ibraahim, Wasiiru-Dawlaha Maaliyada ee Dawlada Dhexe. Xayirayaa jawaab kooban ka bixiyey hadal uu Af-maay ku yiri mudane ka socda Koonfur Galbeed isagoo la hadlaya mudanayaasha Baarlamaanka.

Labaduba, madaxweyen Gaas iyo Xayir Ibraahim way ka raaligeliyeen dadkii dhibsaday hadaladii laga soo xigtay. Si kasta ha ahaatee, in kastoo Madaxweyne Cabdiwali siduu jumlada u dhigay aanay sax ahayn, hadana macnaha ay xambaarsanayd wuxuu ahaa run. Mudane Xayir jawaabta uu isagu bixiyey waxay ahayd sax.

In kasta oo afka Maaygu, sida uu qabo qodobka 5aad ee dastuurka Soomaaliya uu yahay mid ka mid ah afafka rasmiga ah ee dalka looga hadlo, hadana maaha af ummadda Soomaaliyeed oo dhami ku hadlaan ama fahmaan oo xataa waxaan fahmin qaar ka tirsan dadka degan Koonfur Galbeed.

Sidaas darteed, Af Maay kaga khudbaynta meel ay fadhiyaan dhamaan matalayaasha ummadda Soomaaliyeed oo in ka badan 80% aanay fahmayn Af Maay macne samayn mayso ku khudbayntiisu.

Si kasta ha ahaatee, Cabdiweli iyo Xayirba waa ku saxanaayeen inay ka raali geliyaan haddii walaallohood dhibsadeen hadalkooda, loo arkay inuu gef ahaa.

Hadaba, su’aasha mudan in la is weydiiyo ayaa waxay tahay marar badan ayaa Puntland gef ku salaysan been-abuur waxaa ka sheegay mas'uuliyiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed, cid ka dabagasheyna ma jirin, maxaa marka mas'uuliyiinta reer Puntland tooshka loola daba jooga iyagoo wax jira ka hadlaya, mise iyaga qaab gaar ah baa loo miisaamaa wixii afkooda ka soo baxa, sababtoo ah waa reer Puntland halka kuwa kale aan waxba laga soo qaadin qaladkooda aan salka iyo asalka toona lahayn.

Tusaale, Mudane Jawaari, Afhayeenkii hore ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo shirweyne ka socday inay Puntland ka soo saartay ganacsatadii reer Koonfur Galbeed dhulkooda iyaga oo aan wax dembi ah gelin.

Sidoo kale, xubna ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa eedaynaan waxba ka jirin u soo jeediyey reer Puntland iyaga oo sheegay in dad shacab ah lagu dhibaateyey halkaas.

Isla waqtigaas warbaahinta caalamka ayaa qoraysay dhibta lagu hayo shacabka Koonfur Galbeedee ku jira xeryaha qaxootiga ee Xamar ku yaalla, dhibaatadaas oo aan la soo koobi karin afkana lasoo marin karin.

Dhibaatooyinkaas mas'uuliyiinta reer Koonfur Galbeed kama hadlin, waxayse miciin bideen been ka sheegida reer Puntland, kuwaas oo runtii nolol heer sare ah siiyey shacabka Koonfur Galbeed oo walaalahooda una ogolaaday inay ku nabadgalaan dhaqaaleena ka samaystaan meel kasta oo ka mid ah Puntland gudaheed.

Sababahaas awgood, xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed waxay u baahan yihiin inay dib isu xisaabiyaan oo iyagu garnaqsadaan ka dibna sameeyaan wixii kaga toosan.

W/Q: Omar Dhollawaa


FG: Aragtida qoraalka waxay u gaar tahay magaca qoraagga ku saxiisan, kama tarjumeysa mida Garowe Online.

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM