Xayndaabkii Biritish-ka iyo qabiilada Soomaaliyeed [Cilmi-baaris]

Image

Markii Dawladii dhexe kacaanka 1991kii ay dhacday, dalka Somaliyeed wuxuu guda-galey dagaalo sokeeyo. Jabhadihii ka soo horjeeday xukumadii Siyaad Bare ayaa markii dambe isu badalay kuwa dhexdooda hardama siyaabo badan awgood. Jabhadii SNM oo ka dagaalantay gobalada waqooyi 1991kii waxay ku dhawaqday in Dalka Soomaaliya inteeda kale ka madaxbanaan tahay Somaliland loo yaqaan intii dhulka British Somaliland la oran jirayna hadafkeedu yahay in ka taliso ictiraaf caalamka ka dalbato. 27 sano ka dib Somaliland wali ictiraaf ma helin.

Qaybo ka mida qabiilada degan intii British Somaliland la isku oran jiray iskood gacan saar iyo heshiis ula yeesheen British-ka xiligii bada-cas soo dagay cidna wakiil kama noqon makii hore hadana waxay u arkan in masiirkooda iyagu u madax banan yihiin. Halka kuwa kalena qabiilada halkaa dega aysan marna wax heshiis la yeelan Britishka sida darteed markii la fiirsho sharciyadii u degsanaa dawladaha Isticmaarka waxaa shaki wayn ku jiraa in qabiilada ama qabiilkaa isaga ah xayndaabkii isticmaarka British Protoctorate ka mid yahay marka la fiirsho xeerarkii Isticmaarka u dagsanaa ka mid ahaanshaha inta ay xukumaan.

Cilmi-baaristan oo ka kooban 16 bog ayaa diiradda saali doonta arrimo ay kamid yihiin; Xuduuda, Somaliland, heshiiyadii, British Protoctrate, ‘hinterlan theory’.

Xogtan oo aad linkiga Buluuga ah ka heli kartaan isagoo PDF; Xayndaabkii-british-ka-qabiilada-somaliyed.pdf ​

Qoraalkan kama Turjumayo Aragtida Warsidaha Garowe Online, balse wuxuu u gaaryahay qoraha Magaciisu yahay Othman A. Mohamud oo ah aas-aasaha xarun lagu magacaabo AMNI Centre For Security Analysis & Development, Research Organisation.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM