Xiniinyo Taabasho

Image

Qore: Mudane Afar Indhood
July 17, 2015

Maalmahan waxaa dalka oo dhan ka socda u diyaar-garowga Ciidul-Fidri. Waxaad meel walba ku arki dadka oo ku sii qul qulaya dukaamada dharka iyo maqaayadaha raashinka mac-macaanka lagu iibiyo. Hase yeeshee, Xamar waxaa u dheer iyada oo mar kale u diyaar garobeysa cayaarta “Xaniinyo ka Taabasho”. 

Waxaan bishan oo dhan joogay magaalada Muqdisho, oo aan ka maqnaa muddo afartan sano ah.

Waxaan hadda joogaa degmada Xamar Jajab, gaar ahaan xaafaddii loo yaqaanay Xisbiyada oo saaran jidka Via Roma.

Dadkii aan ku aqiinay badankooda ma joogaan. Dad yar ayaan ka gartay asxaabtii hore, oo dalkii aan ka bixin.

Sheekh Naadiyow Nuur Baabakar ayaa ka mid ah dadkii hore, oo hadda si fiican iigu soo dhaweeyey Xamar.

Sheekh Naadiyow wuxuu igu soo wareejiyey meelihii aan yaraantii banooniga ku ciyaari jirnay, sida banaanka Scoule Commerciale, barxadda Saabuuni iyo meelo kale oo hadda si kale ah.

Waqtiga taraawiixda ka dib aniga iyo Sheekh Naadiyow waxaan luga-baxsi ku sameynaa xaafadda gudaheeda, annaga oo ka sheekeysanna sheekooyin waayo waayo ah (nostalgic).

Badanaa ilmo ayaa indhaheyga soo istaagta markuu iiga waramo dhibkii ka dhacay xaafadda 25-tii sano ee u dambeeysay. Dhac, kufsi, dil, iyo bah-dilid wax aanan ka dhicin xaafadda ma jirto ayuu igu yiri saaxiibkay Naadiyow.

Waxyaabihii uu ii sheegay waxaa iigu yaab badnaa sheeko uu ii sheegay Sheekh Naadiyow labo habeen ka hor. Waana tan igu kalliftay inaan qoro maqaalkan kooban.

Sheekada aniga (Mudane Afar Indhood) iyo saaxiibkey Sheekh Naadiyow sidan ayeey u dhacday:

 


Bacda taraawiix ayey ahayd. Aniga iyo Naadiyow waxaan lug dheer ku marnay xaafadda gudaheeda, wax badanna waa ka sheekeysanay. Ka dib ayaa Naadiyow sheeko iga yaabisay furay oo igu yiri:


Naadiyow: Widaayow yoom ciid aa soo dhow.

Afar Indhood: Saaxiibow waa ogahay ee berri aan isu raaceenaa suuqa.

Naadiyow: Widaayow shopping ma kaala hadlooyo. Alxamdulilaah xaqul-ciid igu filan aniga iyo caruurtayda waa heesanaa.

Afar Indhood: Saaxiibow maxaa kale oo jiraa?

Naadiyow: Widaaygay facsharka Xamar ka taagan hadal ma lagu soo koobi karo.

Afar Indhood: Saaxiibow Ibnu Adam is waayey arin aa kala geesay ee warka i sii.

Naadiyow: ma ogidow Ciidu-Fitrigii sannadkii hore bishan camal ee July ay ku soo aaday?

Afar Indhood: Waa ogahay; maalin Isniin ah, oo July 28 ah, ay ku soo aaday sannadkii hore Ciidda.

Naadiyow: Widaayow, Salaaddii Ciidda aan u jarmaaday, ka dib markii koob qaxwe iyo lama xabo oo moos ah aan ku af bilaawday. Masjidka Isbaheysiga aan socod boobsiis ku tagay, si safka dheer aan hore uga galo.

Afar Indhood: Safka dheer maxaa waaye?

Naadiyow: Saaxiibow warba ma haysid. Ciidamo AMISOM aa Masjidka joogto. Waa la is baaraa.

Afar Indhood: Yacnii, waxaa ka wadaa madaxda Villa Somalia aa imaaheeso oo ku tukaneyso Masjidka.

Naadiyow: Saas camal. Safka hore aan galay ciyowdii. Markii la isoo gaaray, askari Ugandhees ah aa taataabasho igu boobsiiyey saaxiibow.

Afar Indhood: Yacnii hub aas kaa baaraa?

Naadiyow: Haa. Widaayow, waxaan watay kabo sandal ah, matanti (mutande), macawis, shaar cad oo gacmo dheere ah iyo cimaamad yar oo garabka ii saaran bes. Wax kale ma wadan. 

Afar Indhood: Haye.

Naadiyow: Widaayow, askarigii Ugandheeska ahaa waa i xaniinyo (xiniinyo) taabtay.

Afar Indhood: See camal?

Naadiyow: Baaritaanka lugaha aas iiga soo bilaaway; ka bacda labada tafood dheexdiisa aas gacanta geliyey, kor aas u socday. 

Afar Indhood: Haye!

Naadiyow: Waxaas ku dhagay lamadeyda xaniinyo, ka bacdi aas kor ii soo fiiriyey, asoo qoslaayana igu dhahay: Are these explosives?

Afar Indhood: Yaah!

Naadiyow: Waa i maqashay. Anoo dhidid weyn iga da’aaya aan ku dhahay: What the f**k are you doing on my dangling testicles? 

Naadiyow: Waxow i dhahay: Wow, you speak good English. Askari kale oo dhinaca taagnaa aa markiiba gacmo duub ii qabtay; dhinac aa la ii leexsaday. Waxaa la i dhahay, “Adiga baarid kale aa lagugu sameehaa”.

Afar Indhood: Ka bacdi!

Naadiyow: Intii aan dhinaca taagnaa, waxaan arkay ilmo badan oo saddex jir ilaa toban jir ah oo iyakana la xaniinyo taabsaday. Xitaa, ciyaalka qaar waa diideen in la xaniinyo taabto, waana qeyliyeen. Ciyaalkaasi kulli toys-kii ay wateen xitaa waa laga qaaday.

Afar Indhood: Ka bacdina!

Naadiyow: Askar kale aa ii timid sidii aa mar kale la ii gacmo gacmeeyey; ka bacdina waa la i fasaxay. Majidkii aan iska galay, waana soo cibaadeestay. Dhaqso aana gurigeega ugu soo noqday anoo anfariirsan.

Afar Indhood: Madaxda Majidka ku tukaneysana saan maa loo xaniiyo taabtaa saaxiibow?

Naadiyow: Widaayo war aa kuugu laaban Xamar iyo Xaniinyo ka taabashadeeda. War shaqaalaha Villa Somalia marka looga yeero Xarunta  Xalane, sida aniga la ii taataabtay ka daran aa loo taataabtaa. Ilaahay ceeb ha asturo.

Afar Indhood: Ma istiri, xerada Xalane waaba the de facto Villa Somalia of the country!

Naadiyow: Waaba tahay ma ogidow. Dadka gobolada jooga waxay u maleenooyaan in Xamar ay caasimad u tahay; laakiin xerada Xalane bes lee waaye caasimada dalka.

Afar Indhood: Koleyba bishaan keliya ee aan Xamar joogo ma igu ogid Isbaheysiga agtiisa. Waxaan ku soo tukanaa Marwaas.

Naadiyow: Anba uma socdo Isbaheysiga iyo wax la mid ah. Masajidka Sheekh Muxyadiin aan ku soo tukanaa Ciidul Fitriga.

 
Saaxiibkey Sheekh Naadiyow wuxuu kaloo iiga waramay dhaqamo kale oo dalkii ku soo kordhay shan iyo labaatankii sano ee u dambeeyey. Hadaladiisana waxaa ka mid ahaa:

Naadiyow: Saaxiibow intaad maqneed wax weyn aa ku dhaafay. Qabiiladii Soomaalida waa qooqeen. Waxay is-moodeen haddii AK-47 ay haystaan inay Nuclear haystaan camal.


Afar Indhood: iyagoo waran keliya haysta ayba qooqanaayeen, ee qisada ii wad saaxiib.

Naadiyow: Maalinta Jimcaha ama Sabtida ay ku aadan tahay Ciidul-Fitriga, hadduu Ilaah yiraahdo. Waxaa arki doontaa saaxiibow ciyaalkii magaalada oo dhan oo ku ciidaaya toys ah bunduq, bistoola, baazuuke, madfac iyo wax la mid ah. Dhif aa arkeysaa ciyaal ku ciyaaraayo wax kale.

Afar Indhood: Haye!

Naadiyow: Xitaa wadaadadii Ahlu-Sunna waa qooqeen. Waxaa arkeysaa wadaad dugsi qur’aan joogo oo ciyaal wax baraayo oo AK-47 ku dhex wata dugsiga dhexdiisa. Markaad weydiiso sababta, waxow kuugu jawaabaa khawaarijta (al-shabaab) aan iskaga celihaa.

Afar-Indhood: Runtiis miyaa?

Naadiyow: Runtiis waa tahay, oo dhallinyaro diin lagu qalday aa dalkii qasoosa; laakiin ciyaalka dugsiga markii ay arkaan macalinkooda oo AK-47 mar kasta wata, iyagana waa rabaan sidaas camal. Taas aa waxaa keentay in jiilka hadda soo karooya ay ku abaabooyaan “culture of violence” dhibtiisa daba dheeraan doonta saaxiibow.

Afar Indhood: Macquul waaye taas Sheekh Naadiyow.

Naadiyow: Marka maxaan ula yaabaa askartaan AMISOM ee Xamar dhooban. Horaa loo dhahay “Dooli Minaas Qooqo, Mukulaal aa loo Wacdaa”. 

Afar Indhood: Saaxiibow wax badan aa u soo joogtay oo dalkii ka dhacay. Runtana dad badan ma jecla.

Naadiyow: Saaxiibow Reer Xamar haddaan nahay waxaan ku maahmaahnay: Maryooleey Dalkeeda Waxay U Dumisay, Dabbaalnimo Lee Maahinoo!

Afar Indhood: Saaxiibow, Reer Xamar maaheeno dadkii dhihi jiray laba qabiil aa jiraa: Reer Magaal iyo Reer Baadiye bes?
Naadiyow: Haa.

Afar Indhood: Saaxiibow marka, haddii Reer Baadiye (Maryooleey) ay dabbaal noqdeen; maxaas Reer Magaal (Banaadiri) usuna dabbaal u noqday oo dalka u badbaadin waayey?

Naadiyow: Fajac kale ahaa taas!

Afar Indhood: Mise dad kaa badan iyo biyo kaa badan waa ku qaadaan camal waaye!

Naadiyow: Saas u badi.

Afar Indhood: Saaxiibow, horaa loo yiri Reer Baadiye guri ma leh, tahriibna ma ka naxo. Marka, Reer Magaalow dad hadii la waayo daanyeerkaa la walaalsadaa ee saas ula socda.

Naadiyow: Saaxiibow, balaayada Xamar taal waa gowso waaweyn tahay.

Afar Indhood: Runtaa waaye, xumaanta Xamar ka dhacday labataan iyo shantii sano u dambeysay waa xasuus dheer tahay saaxiibow.

Ciid Mubaarak



Qore: Mudane Afar Indhood (Xirsi Barkhad) | E-mail: goorsansheeg@gmail.com 

Baahin: Garowe Online

Xuquuqda Sawirrada: Reuters 

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM