GAROWE Feb 3, 2015 [GO]- Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas uu ku wajahan yahay magaalada Muqdisho maalinta berri ah.

Ma cada safarkaan iyo waxa uu ku wajahan yahay balse wararka la helayo ayaa sheegaya in sadexda maamul goboleed  [Puntland, Jubaland Koonfur Galbeed] casumaad ka heleen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulanka madaxweynayaasha maamuladaan iyo dowlada Federaalka ayaa waxaa riixaya beesha caalamka oo goob joog ahaan doonta iyadoo qodobka ugu weyn ee looga hadlayo lagu sheegey sidii loo dhisi lahaa ciidamada qaranka Somalia.

Ma jiro ciidan lagu mideysan yahay xoogga hada ka shaqeeyaa la dagaalanka ururka Al-shabaab dowlada Federaalka ku magacowdo inay yihiin ciidanka qaranka Somalia.

Xukuumada madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa sida la rumeysan yahay la kufaa kaceysa mushahar siinta ciidamada Puntland kuwaasoo cabashooyin sameynayey bilihii lasoo dhaafey.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulamo uu la qaatey xubno ka tirsan beesha caalamka mamalmihii lasoo dhaafey ayaa ka codsadey in laga tageero mushahar siinta ciidamada. Safarka ayaa waxaa ku weheliya Shan wasiir oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegay in Madaxweynaha Puntland  inta uu jooga magaalada Muqdishu madaxda dowlada Federaalka kala hadli doono arrimaha khuseeya shidaalka oo muran xoogani ka taagan yahay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa sidoo kale wararka laga helayo xafiiskiisu sheegayaan inuu maalmahan ku mashqulsan yahay isbadal uu ku sameynayo golihiisa wasiirada.

Gaas ayaa maalmahaan waxaa ku qulqulaya dad raadinaya xillalkaan iyadoo kuwa kale oon Garowe joogina soo gaarsiyeen Madaxweynaha codsiyo ay shaqadaan ku doonayaan.

GAROWEONLINE