Maxay Nairobi xudun ugu tahay ololaha doorashada Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo markii dowlada iyo maamulada ku dhawaaqeen jadwalka doorashooyinka Soomaaliya, murashaxiinta uu damaca uga jiro xilka madaxtinimada waddanka ayaa bilaabay safaro dhanka dibadda.

Kenya ayaa noqotay dalka ugu badan oo ay tageen. Qaarkood waxay uga sii gudbeen dalal kale markii ay muddo halkaas ku hakadeen, halka tirro kale ay uga sii gudbeen wadamo kale markii loo diyaariyey soo dhaweyn.

Siyaasiyiinta, ganacsatada iyo Soomaalida ku nool waddankaas ayay la kulmeen. Ajendaha ugu balaaran oo ay kala shiraan waxaa lagu qeexay doorashooyinka soo aadan iyagoo dhinac walba u sameeyay balanqaad oo gooniya.

Murashaxiin qaar ayaa yeeshay kulamo albaabada u xiran yihiin.Warbixinadda ay tibaaxayaan in ay kawada hadleen isbaheysi ay sameystaan. Fahfaahinada waxay intaas ku darayaan in qaarkood isaga garaabeen dhacdooyin hore.

Ololahaan doorasho ayaa kusoo hagaagay iyaddoo xiriirka u dhaxeey Muqdisho iyo Nairobi uu sanadihii u dambeeyay gaarey meeshii ugu xumeyd. Qadiyadda baddan, khilaafka Jubaland iyo Gedo waa sababaha ugu waaweyn.

Tani ayaa dhalisay in dowladda waqtiga kasii dhacayo ay gacansaar dhow la yeelato Itoobiya iyo Eritrea kuwaasoo Farmaajo waydiisatay taageero ku aadan sidii uu kursiga ugu soo laaban lahaa coddeynta nagu soo fool leh.

Taliyeyaasha sirdoonka saddex dal ayaa dhowaan ku shiray Addis Ababa iyaddoo ajendaha ugu weyn ee uu ahaa doorashooyinka Soomaaliya 2020-21.

Iyaddoo ay jiraan caqabadaas, haddana Kenya wali waxay u muuqaneysaa mid xudun u ah ololaha doorashadda madaxtnimada soo aadan ee Soomaaliya, waxaana loo aaneeyay in ay ku nool yihiin Soomaali aad u tiro badan.

Ilbaxnimada dimuqraadiyadda iyo furfurnaanta xaga siyaasadda ayaa lagu qeexay sababaha kale oo Nairobi kusoo jiidatay siyaasiyiinta Soomaalida. Tani macnaheedu maaha in aysan danaheeda gaarka ka dhex-egan doonin.

Doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in ay noqon doonan mid kamid ah kuwii ugu dhaqaalaha iyo xasaasiyadda badnaa sababo ku aadan diyaar-garowga mucaaradka, damaca dowlada iyo shisheeyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kororka weerarada Al-Shabaab ee bisha Ramadan: Dayac mise fashil sirdoon?

Waa weerarkii todobaad oo Al-Shabaab ay ka fuliso Soomaaliya tan iyo markii la galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

  • Maqaalo

    27-03-2024

  • 05:16AM

Askar calooshood-u-shaqeystaal ka howlgala Soomaaliya oo la dhisayo

Imaaraadka Carabta ayaa lagu waramay inuu yagyeelayo guutadan ciidan oo ka kooban 3,000 askari.

  • Maqaalo

    16-03-2024

  • 08:42AM