Afghanistan iyo falaagada Talibaan oo is-weedaarsanaya maxaabiis

Image

KABUL, Afghanistan – Dowladda Afghanistan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay xorriyadooda siineyso dagaalameyaal ka tirsan falaagadda Talibaan.

Xafiiska madaxweyne Ashraf Ghani ayaa Talaabada maanta ah wuxuu shaaca ka qaadey in tani ay daaran tahay maxaabiis is-weedaarsi.

Xubnaha Taliban ayaa lagu bedelayaan sii deynta laba Porofeesar oo u kala dhashay dalalka Mareykanka iyo Australia kuwaasoo la qadaashay.

Kevin King, oo Ameerikaan ah, iyo Timothy Weekes, oo Australia u dhashay, ayaa 2016-kii laga afduubtay banaanka American University, duleedka Kabul.

Ghani ayaa ku nuux-nuux saday in ay rajeynayaan in arrintan ay dhabaha u xaari doonto wada hadalo aan toos ahayn oo ay yeeshaan labadda dhinac.

Bishii September ee sanadkan ayay ahayd markii ay fashilmeen wada xaajoodyo bilooyin socda markii Washington diidey shuruudo la hordhigay.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, shuruudda ayaa waxay ahayd in ciidamadda Ameerikaanka ah ka baxaan gudaha waddankaas muhiimka ah.

Xukuumadda Washington ayaa miiska waxay soo saartay in Afghanistan aysan noqon "meel looga soo duulo Mareykanka iyo xulafadiisa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM