Boqorka Sacuudi Carabiya oo xil ka qaadis ku sameeyay laba Amiir

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudiga ayaa Talaadada maanta ah wuxuu taliye cusub u magacaabay Isbaheysiga Carbeed ku sugan Yemen markii hogaankii hore uu u eryay sabab la xiriirta musuqmaasuq.

Mutlaq bin Salim bin Mutlaq al-Azima ayaa lagu bedelay Amiir Fahad bin Turki bin Abdulaziz Al Saud oo ahaa taliyaha ciidamada isku dhafka, sidda ay warisay saxaafadda dowladda.

Al-Azima ayaa 2011-kii wuxuu ahaa Taliyaha Ciidamada Isku-dhafka Dalalka Khaliijka ee Bahrain ku sugnaa intii ay dibad-baxyadda ka socdeen.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Sacuudiga ayuu si lamid ah ahaa intii uu socday dagaalkii Kuwait ee 1991-dii; lataliye dhanka milatariga ayuu kasoo noqdey Wasaaradda Gaashaandhiga Sacuudiga.

Wareegtadan xil ka xayuubinta oo uu soo saarey Boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in Amiir Fahad iyo afar sarkaal kale kuwaasoo magacyadooda aan lasoo bandhigin lagu sameyn doono baaris.

Dhanka kale, digreetadda waxaa lagu ruqseeyay Amiir Abdulaziz bin Fahd oo ahaa gudoomiye ku xigeenka gobolka Al-Jouf. Mas'uulkaan waxaa dhalay Boqor Salmaan.

Go'aankaan ayaa ku saleysan talo-soojeedin ka timid Dhaxal-sugaha Maxamed bin Salmaan "si loo baaro tuhun balaaran oo ah wax-is-dabamarin maaliyadeed taasoo ka jirta Wasaaradda Difaaca".

Sanadkii 2017-kii, dhaxal-sugaha ayaa qaadey olole musuq-maasuq la dagaalan ah kaasoo uu ku beegsaday xubno ka tirsan qoyska boqortooyada, wasiiro iyo ganacsato kuwaasoo la xir-xiray.

Dadka naqdiya siyaasada 35-sano jirkaan ayaa sheegaya in ololihiisa uu daarnaa sidii uu hoos ugu dhigi lahaa awooda dhamaan shaqsiyaadka uu arko in ay khatar ku yihiin damaciisa gaarka ah.

Yemen oo colaad ay ka hol-ceyso tan iyo sanadkii 2014-kii waqtigaas oo xoogaga Xuutiyiinta ay rideen dowladdii xilligaas jirtay ayay xaaladu kasii dartay 2015-kii markii Isbaheysiga Carbeed uu farageliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM